Save the Children oo Doonyo loogu talagalay gargaarka caafimaadka ku wareejisay Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Hay’adda Save the Children ayaa waxa ay ku wareejisay Wasaaradda Caafimaadka Puntland labo doomood oo loogu talagalay gargaarka caafimaadka degdegga ah si addeeg caafimaad oo tayo leh ay u helaan dadka deegaanada bariga Puntland, gaar ahaan hooyada iyo dhallaanku.

Doomahan ayaa waxa lagu wareejiyey dawladda maantaoo Talaado ah. Waa kuwii ugu horeyey oo noocan oo kale ah oo ay dawladdu la wareegto looguna talagalay in kor loogu qaadoadeega caafimaadka ee gobbolada Bari, Gardafu iyo Karkaar. Waxaa doomaha loo isticmaali doonaa iney soo gaarsiiyaan dadka bukaanka ah oo ay ka mid yihiin hooyooyinka uurka leh iyo carruurta xanuunsan cusbitaalka magaalada Bossaso si loogu daweeyo.

Fikradda in lahelo doomahan ayaa waxa lahaa Wasaaradda Caafimaadka Puntland.

Dadka deegaanada Xafuun, Baargaal, Qandala iyo Caluula ayaa waxa dhib ka haystaa sidii ay usoo gaarsiin lahayeen dadka bukaanka ah cusbitaalada. In kabadan 36 sacadood ayaa deegaanada qaar loo safra dhanka barriga.

Badda ayaa ah waddada ugu dhow ee ay dadka deeganadan isticmaali karaan lakiin ma jirin doomo loogu talagalay gargaarka degdegga ah oo bukaanka soo gaarsiin kara goobaha caafimaadka si ay u helaan daawo. Safarka badda ayaa ah 45 daqiiqo oo kaliya halka uu kan barriguna yahay 36 sacadood iyo wax ka badan.

“Hooyooyin badan ayaa naftoodu ku waayi kara dhibaatada wadooyinka ee gobolka ka jira. Waxa aan ka fakarnay qaab loo dhimo karo dhimashada ay sababi karto waddo xumadu, waana sababta aan u keenay doomahan loo isticmaalayo gargaarka degdegga ah,’’ Cabdiqafar Cilmi Xange, hormuudka Hay’adda Save the Children ee Puntland ayaa yiri.

“Waxaan rajaynaynaa in ay doomahan badbaadiyaan nolosha hooyooyin badan oo qaarkood uur leeyihiin iyo carruurtooda.’’

Marka laga reebo in ay doonyuhu ka dhakso badanyihiin gaadiidka barriga, waxa kale oo doonyahan laga heli karaa dhammaan adeegyada gargaarka degdegga ah ee uu bukaanku u baahanyahay ka hor intuusan goobaha caafimaadka soo gaarin.

Wasiirka Caafimaadka Puntland, Dr. Cabdinasir Cusman Ciise ayaa soo dhoweeyey dadaalka Save the Children, waxa uuna sheegay inay tahay wada shaqayn mudan in lagu daydo, tusinaysana muhiimadda ay leedahay in laga jawaabo baahiyaha jira.

“Taageeradan iyo iskaashigan oo kale waxa uu inoo suurta galinayaa in aan badbaadino nolosha dad badan, si gaar ahna waxa inoo soorta galaysa in hooyada uurka leh iyo ilmaheeda oo ay khatar badan soo wajahdo xilliga dhalmada ay badbaadaan.’’ Ayuu yiri Dr. Ciise

“Waxa aan u mahad celinaynaa hay’ada Save the Children oo ku deeqday doonyahan. Waxa aan aad u rajeyn wada shaqeynteena ay intaa kasii ballaarato.”

Soomaaliya waa mid ka mid waddamada dhimashada hooyada iyo dhallaanku aad u sarreyso. 22 kii dumar ahba mid ka mid ah ayaa khatar ugu jirta inay dhimato xilliga dhalmada. Waxa la qiyaasaa in 732 xaaladood oo dhimasho ah ay dhacdo 100,000 oo xaalad dhalmo.

Dhinaca Kale Wasiirka Caafimadka Puntland iyo Masuuliyiintii la socotay ayaa dhagax-dhigay Xarun Caafimad oo laga dhagax-dhigay Xaafadda Al-fardows ee Magaalada Boosaso, iyadoona ay kamid noqon doonto Xaruntan Goobaha loogu adeego Hooyada iyo Dhalaanka.

Sida UNICEF laga soo xigtayna, 12kii dumar ahba mid ka mid ah ayaa waxa ay u dhimataa sababo la xiriira uurka. Puntland 38% oo kaliya dumarka ayaa ku dhala cusbitaalada ama ay ka umulisaaumuliso xirfad aqooneed leh.

Save the Children waxa ay adeegyada caafimaadka ka shaqaynaysay tan iyo sanadkii 2006. Sanadkii inasoo dhaafay oo ay deeganaada Puntland ka jirtay abaar dad iyo duunyaba samaysay, Save the Children waxa ay adeeg caafimaad gaarsiisay ku dhowaad 1.6 milyuun oo qof.

SAWIRRO :

 

 

 

 

 

Cabdiqani Boos
Boosaso