Shirka Dib u eegista Shaqada Caafimadka oo lagu soo xiray Boosaso.

Shirka Dib u eegista Shaqada Caafimadka ee Gobolada bari & Gardafuu ayaa Lagu qabtay Magaalada Boosaso, waxaana goob jooog ka ahaa xubnaha wasaaradda ee degmada , hay’adaha la shaqeeya wasaaradda iyo masuuliyiinta u saraysa ee wasaaradda caafimaaadka dawladda Puntland .

Isuduwaha Wasaaradda caafimaadka ee Gobalka Bari Siciid Maxamed Waraabe iyo Agaasimaha Caafimadka aasaasiga ah ee Wasaaradda Dr. Cabdirsaaq Abshir Xirsi (Garweyne) oo furitaanki shirka ka Hadley ayaa sharaxay muhiimadda ay ka leedahay wasaaraddu qabashada shirarka la xiriira dib u eegsita lagu sameynayo shaqada wasaaradda ee socota iyagoona tilmaamay in ay tahay mid dib loogu eegayo sidii hawlaha caafimaad ee ka jira gobalka Bari.

Wasiirka caafimaadka Puntland Dr. Cabdinaasir Cismaan ciise oo gebagebadii shirka hadlay ayaa shaqaalaha wasaaradda ku amaanay dadaalka shaqo ee ay wadaan , waxaana uu isla xisaabtankaan ku tilmaamay mid muhiimad gaar ah uleh wasaaradda si shaqadeeda loo sii dardargeliyo .

“Dhamaan shaqaalaha Wasaaradda iyo Hay’adda Save the Childaren Oo La shaqeysa Wasaaradda waxaan ku dhiirgalinaya Shaqadu Culus ee ay qabteen, Aad iyo aad ayaan idinka mahadcelinaya runtii Shaqada Qurxoon ee socota, waana inaan ogaana waxa inoo qabsoomay sadexdii bilood ee la soo dhaafay, hadiina la Is weydiiyo maahan waa la diriraye, waa aan Wax saxano, oo wixii naga dhiman buuxino, Runtii waxaadna ka kala timaadeen dhul kala fog ” Ayuu Yiri Wasiir Cabdinaasir Cismaan ciise.

Maahan markii ugu horaysay oo kulan noocan oo kale ah laqabto kaas oo dib loogu eegayo hawlaha caafimad ee ka jira magaalad Boosaso, Waxaana Sadexdii Biloodba mar Lagu Qabtaa Magaalada Boosaso.

DAAWO SAWIRADDA :

Cabdiqani Boos
Boosaso