Niciimo Qorone oo xabsiga laga sii daayay

Abwaanad Niciimo Qorone oo dhowaanahaan ku xirneyd magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland ayaa goordhoweyd dib xoriyadeedii u heshay.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa u fidiyay Naciimo cafis laga sii deynayo xabsiga magaalada Hargeysa.

Niciimo Qorone ayaa xabsi sadex sano ah horey loogu xukumay kadib markii eedeeymo kala duwan ay u jeedisay Maxkamadda Hargeysa.

Aabaha dhalay Niciimo Qorone ayaa shalay la kulmay Madaxweyne Muuse Bixii, isaga oo kala hadlay in gabadhiisa la sii daayo.

Somaliland ayaa waxaa ka jira Caburin dhanka afgaarta ah oo lagu eedeeynayo maamulkaasi.

Waxaa xabsiga Hargeysa ku xiran Boqor Buurmadow oo Maxkamadda Hargeysa ku xukuntay 3 sano oo xarig ah, kadib markii oo uu magaalada Carmo ee Puntland kaga qaybgalay caleemasaarka Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post