Gudoomiyaha cusub oo markii ugu horeeysay shir gudoominaya kulanka Baarlamaanka

Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya Amb. Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa shir gudoominaya kulankiisii ugu horeeyay ee Baarlamaanka.

Xildhibaanada ayaa mid kamid ah kulamadoodii caadiga ah ku leh xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Kulankaan ayaa waxaa looga hadlayaa ajande ku saabsan qaabka loo aas aasay Midowga Afrika oo Soomaaliya ay qeyb ka tahay.

Ajandahaasi ayaa dhawaan waxaa Baarlmaanka u soo gudbiyay wasiirada Xukuumada Federaalka Soomaaliya si ay u ansixiyaan.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa hor yaalo ajandayaal kala duwan oo ay soo gudbisay xukuumada.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho