Kheyre oo shir gudoomin doono shir ka dhacaya Brussels

Magaalada Brussels ee caasimada dalka Belgium-ka ayaa maanta waxaa ka furmaya shir looga hadlayo arimaha Soomaaliya.

Shirkaan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa shir gudoomin doono Ra’isilwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Ra’isilwasaare Kheyre ayaa xalay xili dambe gaaray Magaalada Brussels ee caasimada dalka Belgium.

Shirkaan oo ah mid muhiim ah ayaa looga hadli doono Arimaha wadanka Soomaaliya waxaana ka soo qeeybgali doono xubnaha beesha caalamka.

Shirkaan ayaa gaba gabadiisa laga soo saari doonaa war muriyeed ku saabsan waxa looga hadlay shirka.

Arimaha ugu xasaasisan ee shirkaasi looga hadlayo waxaa kamid ah ka bixitaanka Ciidamada AMISOM iyo sidii ciidamada Soomaaliya dalka oo dhan amnigiisa u la wareegi lahaayeen.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho