Dowladda Puntland oo sheegtay in Imaaraadku Soomaalida u fududeeyay dal-ku-galka iyo degga’naanshaha

Dowladda Puntland ayaa sheegtay, in dalka Imaaraadka Carabta uu bulshada Soomaaliyeed u fududeeyay arrimaha socdaalka,dal-ku-galka iyo degga’naanshaha waddankaas,sida ku cad qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland.

War-murtiyeedka ka soo baxay Puntland ayaa lagu sheegay,in arrintaan ay sii xoojinayso xiriirka  umadda Soomaaliyeed iyo waddanka Imaaraadka Carabta,islamarkaana kor u qaadayso ganacsiga iyo walaalnimada ka dhexaysa labada dal.

Dowladda Puntland ayaa ugu dambeyntii si weyn ugu mahad-celisay waddanka Imaaraadka Carabta oo ay ku ammaantay tallaabadan cusub ee uu qaaday.

Halkaan ka akhriso War-murtiyeedka.

PUNTLAND POST