Madaxweynaha Puntland oo Bosaso dib ugu soo laabtay

Bosaso[Puntland Post]-Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dib ugu laabtay mandiqada Puntland, ka dib markii uu maalmo safar ah ku joogay dalkan Imaaraatka Carabta oo ay ka wada hadleen arrimo kala duwan oo ku aadan mashaariicda horumarineed ee Imaaraatka Carabtu kahayaan Puntland.

Madaxweyne Gaas waxa garoonka diyaaradaha Bosaso ku soo dhaweyey Maamulka Gobalka Bari, kan Degmada Bosaso iyo bulshada Bosaso.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in safarkaas uu ahaa mid guul wanaagsan laga gaaray, wuxuuna sheegay in dhinacyada ay is arkeen oo dhan laga wada hadlay arrimaha ku saabsan mashaariicda horumarineed oo ay xooga saareen sidii meelmar looga dhigi lahaa iskaashiga labada dhinac.

la soco warbixin dhamaystiran goor dhow Puntland Post insh allah 

Cabdiqani Boos

Puntland Post- Bosaso