Shiikh Aadan Maxamed Nuur Shiikh Aadan Madoobe oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya horayna u soo noqday Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goordhow ka tanaasulay Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.
Sh. Aadan Madoobe ayaa goordhow sheegay in uu ka tanaasulay xilkaasi, waxaana hadda isku soo haray 10 Musharax oo doonaya in xilkaasi ay ku guuleeystaan.
Waxaa hadda si toos ah u socoto doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta lagu kala bixi doono.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho