Bujumbura (PP) ─ Halkan hoose ka daawo finalka cayaaraha bariga iyo bartamaha Afrika, taasoo magaalada Bujumbura ku dhex-maraysa Xulalka da’adoodu ka yar tahay 17-sano jirka, waxaana cayaarta oo marii hore loo joojiyay roob dartiis mar kale dib loo billaabay.
Cayaarta oo qaybteedii hore ay soo dhammaatay, ayaa waxaa 1-0 ku hoggaaminaya xulka ka socda waddanka Tanzania, iyadoo xulka Somalia aysan wax gool ah dhalin, balse ay soo bandhigeen cayaar aad u xiiso badan oo soo jiidatay daawadayaasha cayaarta.
Labada Xul ayaa waxay soo bandhigeen cayaaro aad u xiiso badan, waxaana la ogaan doonaa cidda qaadi doonta koobka, iyadoo qaybtii labaad ee cayaarta ay hadda dib u billaabatay.
Halkan TOOS uga daawo cayaarta dhexmaraysa Somalia iyo Tanzania;
Somalia vs tanzania live | si toos ah u daawo | share dheh#Like #Follow dheh Pageka Masraxa Furan
Posted by Masraxa Furan on Sunday, April 29, 2018