Allaha u naxariistee Xildhibaan katirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Goordhow ku geeriyooday Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Xildhibaan Khaliif Cabdullaahi Dheere oo katirsan Baarlamaanka ayaa Goordhow oo caawa ah ku geeriyooday Isbitaalka Madiina ee Muqdisho.
Ehlada Xildhibaanka ayaa xaqiijiyay in Xildhibaanku uu daqiiqado ka hor dhintay.
Xildhibaanka ayaa 3-dii bari ee la soo dhaafay ku xanuunsanayay Muqdisho.
Waa Xildhibaankii 4-aad ee katirsan Baarlamaankaan 10-aad ee dhinta isaga oo xildhibaan ah.
Allaha u wada raxmadee horay waxaa u dhintay Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin , Xildhibaan Cabaas Sheekh Cabdullaahi Siraaje iyo Siciid Xasan Geedi iyo Xildhibaanka caawa Geeriyooday.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho