Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ku wajahan dalka Burundi.
Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa socdaalkaan ku wehliya xubno wasiiro ah oo ay kamid tahay wasiirka ciyaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye.
Madaxweyne Farmaajo ayaa goobjoog ka noqon doono finalka Ciyaaryahanada 17-jirada ay maanta la ciyaarayaan Xulka Tanzania ciyaarta CECEFA.
Madaxweyne Farmaajo ayaa dhiiragalin u sameeynaya ciyaartooyda Da’da yar ee Soomaaliya kuwaasi oo soo gaaray Final islamarkaasina soo bandhigay ciyaar aad loo jecleeystay.
Soomaaliya ayaa hami weeyn ka leh in koobkaasi ay ku soo guuleeystaan .
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho