Madaxweyne Gaas oo caddeeyay in Puntland heshiisyo caalami ah geli karto

Madaxweynaha dowladda Puntland,Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas) oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa si cad u difaacay xuquuqda dastuuriga ah ee Puntland u leedahay gelitaanka  heshiisyo caalami ah.

Madaxweyne Gaas oo daliishanaya qodobka 54 aad ee Dastuurka dowladda Puntland ayaa caddeeyay in Puntland ay heshiisyo caalami ah geli karto,si looga faa’idaysto khayraadka dihin ee dhulkeeda ku duugan,islamarkaana loo helo maalgeshi iyo horumar.

Mudane. Gaas ayaa sidoo kale ammaanay heshiiska horumarinta iyo ballaarinta dekedda Boosaaso ee Puntland ay la gashay shirkadda DP World oo uu ku tilmaamay”maal-gelintii ugu weyneyd ee Puntland tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya”,isagoo xusay in uu muhiimad weyn u leeyahay maal-geshiga iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland.

Dhinaca kale wuxuu sheegay in heshiiskani shaqo-abuur  ballaaran u sameynayo dhalinyarada badan ee shaqo la’aantu haysato,sidoo kalena horseedayo in caalamku arko sida dowladda Puntland diyaar ugu tahay maal-geshiga debadda.

Madaxweynaha dowladda Puntland wuxuu kaloo sheegay  in Puntland ay ka jirto xasilooni iyo nabad buuxda oo aysan helin Soomaaliya,isagoo caddeeyay in Muqdisho ay tahay halkii Soomaali ka burburtay sannadkii 1991-dii,sidaasi darteedna aysan Soomaaliya matelin” Burburkii Soomaaliya ee 1991d-ii wuxuu ahaa natiijo ka dhalatay awood dhexe iyo dowladda Muqdisho, Soomaaliya mahan Muqdisho, Muqdishona ma ahan Soomaaliya. Federalismku wuxuu xaqiijinayaa in dowladda dhexe ee Soomaaliya aysan lahayn awood kaligii talisnimo”,ayuu yiri maadxweyne Gaas.

Cabdiraxmaan Ciise 

PUNTLAND POST