Al-shabaab sheegatay dilka sarkaal ka tirsan NISA.

Wararka ka imaanayaa magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee (NISA).

Sarkaalka oo magaciisa lagu sheegay Axmed Maxamuud Buulle(Xamaada) ayaa laba dhalinyaro ah oo baastoolado ku hubaysan ku dileen degmada Waaberi ee gobolka Banaadir,sida ay xaqiijisay warbaahinta Maxalliga ah ee Muqdisho.

Raggii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday,waxaana halkaasi ka socda hawlgal ay ciidamadu ku baarayaan xaafadaha degmadaasi.

Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda dilka sarkaalka,sida ay baahisay Warbaahinta taageerta.

PUNTLAND POST