Maqaal:- Dawladnimo iyo dano gaar ah

Soomaalida intaysan soo gaarin qaabkaan cusub ee loo maamulo dadyawga kala aragtida, midabka, dhaqanka, luuqadda iyo diinta duwan ee hal dal kuwada nool, waxay dhaqan ahaan u lahaayeen inay isu maamulaan hab ku salaysan dhaqankeena oo lahaa xeer-beegti ka soo tala baxiya waxa dhaca sidii looga howl geli lahaa xalna loogu heli lahaa.

Sidaas oo kale waxaa jiri-jirtey xukunno aan qornayn ee afka laga sheegi jirey lana xafidsanaan jirey.

Waxaa jiri-jirtey tanaasul iyo gar-qaadasho, tusaale ahaan markii qofka eedaysanaha ahi ogyahay in laga gar-leeyahay wuu ku doodi jirey oo aftahanimo ayuu ku baari jirey, haddii dhankaa looga awood batto wuu is garan jirey oo gar-qaadan jirey. Ama haddii laga gar-leeyahay wuu ka gar bixi jirey, mar mar waxaa dhici jirtey in qofku isagoo garta leh uu tanaasuli jirey oo howshaba uu halkaa kusoo dhamayn jirey.

Hadda siyaasada Soomaalida ayaa u eg mid aan gar-qaadasho iyo tanaasul midna lahayn, sababtoo ah teenii dhaqanka ee xeer-beegtida ka tagnay oo odayaashii dhaqanka warkooda waanu xoorney oo qaab kale ayaa meesha yimid, tii isu tanaasulka iyo walaaltinimada ku dhisnayd ka gudubney oo rag iska dhicin baa inoo bedeshay iyo meeshuu qabsado in looga fuqo mahane xal kale ma leh.

Waxkasta oo gadaal inooga yimid waxaa ka horeeyey dhaqaniiyo dadnimo u gaar ahaa dadkeyga oo ay kaga suntanaayeen dadyowgii kale ee la daganaa geeska africa.

Is qabqabsiga jiitanka noqday waqtiyadaan dambe waa taariikh xumo, tanaasul la’aan iyo in dadnimadii soomaalida lagu yaqaaney uu hoos u dhac ku socdo.

Dadkaygu wuxuu u baahan yahay;

– In sareynta sharcigu uu noqdo qodobka koowaad.

–  In ka qayb qaadashada xalinta khilaafaadka ay gole dhaqan oo lagu midaysan yahay noqoto marjic dhexe.

Maxaa ka dhashay dhex-dhexaadnimadii federaalka ee arrintii khaliifka?

Dawlada dhexe  dastuuri ahaan iyadaa iska leh go’aanka laga qaadanayo arrimaha dibedda, sidoo kalena waxaa wanaagsan la tashi lagala sameeyo dawlad goboleedyada dalka ka jira.

Nasiib darro 27 sano waxaa dalkeena ka jirta is aaminaad la’aan siyaasadeed iyo mid qabiil, taasi waxay sabab u noqotay is aaminaad la’aantii jirtay inay ka soo if baxdo guud ahaan dalka. Maamul goboleedyada ku dhisan qabaa’ilka ayay mugdi iyo madmadow ku noqtey go’aanka dhex-hexaadnimada ah eee dawlada dhexe ka qaadatey arrinka khaliijka.

Dawlad goboleedyadu waxay leeyihiin dano gaar ah oo ka madax banaan tan dhexe,  is diidanaanta danaha labada dhinac waxay ina geyeysiisey inaanu la kala safanno labada dhinac iyadoo aynu eegayno halkii dhaq-dhaqaaq inooga imaanayo, waxaa markhaanti inooga ah in maamul goboleedyadu si kala madax banaan ay u taageeraan xulufada sucuudiga iyo imaaraadka iyadoo loo ballan qaaday lacago iyo dhinacyo horumarineed.

Waxaa ka dhashay go’aankaas in dawlada dhexe faragelin ku samayso Dawlad goboleedyada, oo ay ugu horeysay tii Hirshabeele, ku xigtay tii Galmudug Koonfur Galbeed waa eed sheeganaysaa kuwo kale waa lagu maqan yahay.

Xal ma loo helay is qabqabsigii?

Hirshabeele waxii ka dhacay waxaa lagu xaliyey qaab aan wanaagsanay waa lagu daawaday oo sidii Soomaalida dhaqankeedu ahaa looma wajin, qaab siyaasadeed xeeladeysana looma cuskan laakiin waxaa jirtey tanaasul ay sameeyeen dadkii deegaanku inkastoo weli wax jiraan.

Galmudug oo arrinkeedu siduu ku dhismay iyo dhibtii laga soo maray la ogaa ayaa faraha la geshay, waa la walaaqay oo si toos ah ayaa madaxdoodii ula kala safteen dawladii dhexe iyo qolyihii kale ee diidanaa go’aankii federaalka. Waxay gaartey heer labadii kooxood waxay soo saareen la sharciyeeyo oo la dhaho waa saxan yihiin labaduba oo maamul la’aan la taagey.

Talo soo jeedin ku socota Dawlada dhexe

Dawlada dhexe waa Hooyo iyo Aaabe Dawlad goboleeyaduna waa ilmeheedii sidaa daraadeed;

– waa in dawlada dhexe ilaalisaa danaha guud ee dalka iyadoo tixgelin iyo la tashi la sameynaysa soo jeedinta Dawlad goboleedyada.

– Waa in  Dawalda dhexe adeegsataa nidaam beeri kara kalsooni iyo isu soo dhawaansho kala dhexeeya dawlad goboleedyada.

– Waa in Dawlada dhexe aysan uga faa’iideysan awoodeeda dawladnimo burburinta iyo khilaaf ka dhex abuurida dawlad goboleedyada dalka dhexdooda.

– Waa tanaasulaad laga sameeyaa wixii dan ugu jirto dawlad goboleedyada iyadoo la waafajinayo  danta guud ee qaranka.

Talo soo jeedin ku socota Dawlad goboleedyada

Dawlad goboleedyadu waa aasaaska dawladnimada dalka sidaa daraadeed;

– Waa inay tixgeliyaan danta guud ee dalka iyo hab dhaqanka dawladnimo.

– Waa inay wixii arrimaha dibedda ku salaysan uga dambeeyaan dawlada dhexe ilaaliyaana danaha qaranka.

– Waa in ay ogaadaan in dalku leeyahay dawlad dhexe guud ahaan dalkana masuuliyad ka saaran tahay, iyaguna ay ku koobnaadaan howlihii loo igmadey. Wixii talo ah ee toosana sida ugu macquulsan ula wadaagaan dawlada dhexe.

– Waa inay dhisaan kalsooni ka dhex dhacda dadka ay metelaan iyo dawlada dhexe aysana u arag dawlada dhexe cadowgooda ee ay tahay hooyadood xanaano u haysa guud ahaan dalka.

W/Q:- Cumar Cilmi-qaate

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *