Maxaa laga doonayaa Musharaxiinta xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka DF? AKHRISO

Muqdisho (PP) ─ Guddiga qaban-qaabada Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyay shuruudaha laga doonayo in musharixiinta u tartamaya jagada guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia ay la yimaadaan.

Guddiga ayaa shardi uga dhigay Wasiirrada u sharxan xilkan inay mar hore is-casilaan, taasoo ah xaalad cusub oo ku timid Wasiirrada Xukuumadda ka mida ee jagadan u soo hanqal taagay;

Haddaba, AKHRISO Shuruudaha uu soo Saaray Guddiga Doorashada;

1- Murashaxiinta araajidooda waxaa ay ku hagaajin karaan guddi-hoosaadka diwaan-gelinta murshaxiinta oo fadhigooda yahay xarunta Villa Hargeisa.

2- Murashaxa u tartamaya xilka Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, kana tirsan golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya, waa inuu guddiga Qaban-qaabada u keenaa  caddeyn ku xusan is-casilaadda/is-casilaadeeda marka uu is-diiwaangelinayo.

3- Kharashaadka is-diiwaan-gelinta Murashaxiinta – Waxaa lagu shubayaa xisaabta furan Account No: 127 ee Golaha Shacabka ku leeyahay Bankiga Dhexe ee Dowladda.

Jadwalka Doorashada:

Waqtiga Diiwaan-gelinta Murashaxiinta Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa noqonaya 10: 00 AM illaa 05: 00 PM, Taariikhdu markay tahay 23-24 bishan Abriil ee 2018-ka oo kala ah Isniinta iyo Talaadada.

Hadal-jeedinta Murashaxiinta Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa noqonaysa Taariikh, 25-26 bishan Abriil 2018-ka oo ah Arbacada iyo Khamiista.

Diyaar-garowga  iyo is-xog-wareysiga Guddiga Qaban-qaabada Doorashada ayaa iyadana noqonaysa Taariikh, 27-29, bishan Abriil ee 2018-ka oo kala ah; Jimcaha, Sabtida iyo Axadda.

Ugu dambeyn, Doorashada Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Somalia ayaa lagu beegay Taariikh, 30-ka bishan Abriil, 2018-ka , Isniin).

PUNTLAND POST