Madaxweynaha Puntland oo u safray dalka Isutaga Imaaraadka Carabta

Bosaso-[Puntland Post] Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka dhoofay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacasiga Puntland isagoona ku sii jeeda Magaalada Abu Dabai ee xarunta Isutagga Imaaraadka Carabta.

Madaxweyne Gaas oo saxaafadda kula hadlay Madaxtooyada ka hor inta uu san dhoofin ayaa sheegay inuu Dalka Imaaradku u aadi doono adkeynta xiriirka kala dhaxeeya, iyo sidii loo wanaajin laha.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland wuxuu ugu baaqay Xukuumada Somaliland in Xoriyadiisa loo soo celiyo Boqor Buurmadow oo kamid ah Isimada dhaqanka kaas oo dhawaan Puntland yimid, wuxuuna ka codsaday Somaliland in la kala saaro Dhaqanka iyo siyaasadda.

Ugu danbeyntii Madaxweyne Gaas ayaa sheegay inuu magacaabay Guddiga hormarinta iyo soo celinta Hantida Dowladda ee Magaalada Boosaaso.

Hoos ka Daawo shirka Jaraa’id ee Madaxweynah Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas

CABDIQANI BOOS 

PUNTLAND POST- BOSASO