Dowladda Soomaaliya oo la wareegtay Ciidankii ay tababartay Dowlada Imaaraadka

Muqdisho (PP) ─ Dowladda Federaalka Somalia ayaa maanta rasmi ahaan ula wareegtay dhammaan ciidamadii ay tababartay Dowladda Imaaraadka Carabta, kuwaas oo Dowladda Imaaraadka Carabta ay gacanta ku haysay kaddib tababarkii ay siisay.

Munaasabad ay Dowladda Somalia kula Wareegaysay ciidamadaas ayaa ka dhacday Xerada Janaraal Gordan oo hadda loo bixiyay xerada Daljir, taasoo ay ka qaybgaleen saraakiisha ugu sarreysa ciidamada xoogga dalka.

Sidoo kale, saraakiil ka socday dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta ee wareejinayay ciidamadaas ayaa xerada ku sugnaa, waxaana kaloo goobjoog abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Somalia.

Wasiirka Gaashaandhiga Somalia, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa horay u ballan-qaaday in Dowladda Somalia ay la wareegi doonto ciidamada ay gacanta ku hayso Dowladda Imaaraadka.

Taliye ku xigeenka ciidamada Xoogga dalka Jen. Cabdullaahi Cali Caanood oo goobtaas ka hadlay ayaa sheegay in Dowladda Somalia ay la wareegtay ciidamadii ay tababartay dowladda Imaaraadka, ayna hadda kaddib iyagu gacan ku hayn doonaan.

“Waxaa maanta nagula wareejiyay dhammaan ciidamadii ay tababartay Dowladda aanu walaalaha nahay ee Imaaraadka Carabta, saanad iyo gaadiid dagaal,” ayuu goobta ka yiri Jen. Caanood.

Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Somalia oo sii hadlay ayaa dowladda Imaaraadka Carabta uga mahad-celiyay dadaalkii ay ku bixisay tababaridda ciidamada Soomaaliyeed ee maanta lagu wareejiay.

“Ciidamadan wixii maanta ka dambeya innagaa bixinayna mushaarkooda iyo waxyaabaha kale ee ay u baahan yihiin, waxaana u bixinay ciidammadaan Daljir, waxaana rajeynaynaa inay hawlo badan qaban doonaan,” ayuu mar kale yiri Jen. Caanood.

Ugu dambeyn, Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa dhawaan ku dhawaaqday inay joojisay gabi ahaan tababaridda ciidanka Somalia, kaddib markii uu muran soo dhex-galay iyada dowladda Soomaaliya.

PUNTLAND POST