Gen. Moorgan oo si weyn loogu soo dhoweeyay caasimadda Garoowe

Gen. Maxammed Siciid Xirsi (Moorgan) oo maalmo ka hor ku dhawaaqay in uu yahay musharrax u taagan doorashada madaxtinimada Puntland ee sannadka 2019,ayaa maanta si diirran loogu soo dhoweeyay magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland.

Musharraxaha oo socdaal dhulka ah kaga soo baxay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ayaa markii uu soo gaaray duleedka bari ee caasimadda Garoowe waxaa ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo boqollaal shacab ah,kuwaasoo mudda saacado ah halkaasi ku sugayey,waxaana musharraxu salaam la dhex qaaday madaxdii iyo shacabkii soo dhoweeyay,isagoo uga mahadceliyay taageerada iyo dhiirri-gelinta ay u muujiyeen.

Gen.Moorgan oo hadal kooban Warbaahinta halkaas ku siiyay ayaa sheegay in socdaalkiisu yahay mid sii soconaya oo uu ku mari doono degaanno badan oo Puntland ah,si uu kulamo ula yeesho qeybaha kala duwan ee bulshada reer Puntland,islamarkaana ula wadaago qorshihiisa waxqabadka,haddii uu ku guulaysto xilka madaxweynaha Puntland ee doorashada 2019.

Halkaan ka eeg sawirrada

PUNTLAND POST