Ciidamada Nabad-sugidda DF oo Galay Guriga mid ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka

Muqdisho (PP) ─ Ciidamo la sheegay in ay ka tirsan hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka, ayaa galay gellinkii dambe ee shalay guriga xildhibaan C/llaahi Cali Axmed oo loo yaqaan [Caddow Cali-gees] oo ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in xilliga guriga xildhibaanka la galayay uusan dalka ku sugnayn, isla markaana uu safar u jiray dalka Mareykanka, iyadoo aan la ogeyn illaa hadda sababta keenay in guriga xildhibaanka la galo.

Sidoo kale, ciidamada ayaa la sheegay inay guriga xildhibaanka baarayeen muddo afar saacadood ah, iyagoo markii dambena si iskood ah uga baxay, mana jirin wax is-caabin ah oo ay la kulmeen.

Qaar ka mid ah shaqaalaha guriga ayaa sheegay in ciidamadu ay burbur u geysteen qaybo ka mid ah alaabadii guriga taalllay oo qaarkood ahaa kuwo dibadda laga keenay.

Dhanka kale, Dowladda Somalia ayaan weli ka hadlin sababta keentay in la baaro guriga xildhibaan ka tirsan barlamaanka oo la ogyahay inuu xasaanad leeyahay, isla markaana ay khalad tahay in guryahooda la galo amar la’aan.

Ugu dambeyn, Xildhibaan Caddow Cali-gees ayaan ahay xildhibaankii ugu horreeyay oo gurigiisa ay galaan ciidammo ka tirsan kuwa NISA, iyadoo horay loo galay guriga Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo aysan jirin wax war ah oo illaa hadda laga soo saaray sababtii loo galay.

PUNTLAND POST