Madaxweynaha Puntland oo Magacaabay Taliye Xigeenka Ciidanka darawiishta Puntland

Garowe-[Puntland Post]-Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa magacaabay taliye kuxigeenka ciidamada Daraawiishata ama Difaaca ee Puntland, booskaas oo uu horey iskaga casilay kuxigeenkii hore ee taliska ciidamada Daraawiishta.

Madaxweynaha ayaa u magacaabay Sareeye Guuto Siciid Axmed Maxamed (Shoodhe)  taliye kuxigeenka ciidamada Difaaca ee Puntland, wuxuuna horey uga mid ahaa Saraakiisha Difaaca ee Soomaaliya.

Hoos ka eeg wareegtada

Cabdiqani Boos 

Puntland Post