Jen Morgan ‘’Waaxan u taaganahay Xilka Madaxweynaha Puntland 2019 ‘’

Bosaso-[Puntland Post]-Jeneraal Maxamed Siciid Xirsi (Morgan) oo soo noqday Wasiirka Difaaca ee Jamhuuriyadii Kacaanka Soomaaliya, ahna Jeneraal Milateri ayaa kaga dhawaaqay magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland, in uu yahay musharax u taagan xiilka Madaxweynaha Puntland doorashada nagu soo aadan ee dhici doonta bilowga sannadka 2019-ka.

Jeneraal Morgan ayaa sheegay in uu isku sharaxay sidii uu Puntland uga bedeli lahaa marxalado badan oo ay maanta ku sugan tahay, gaar ahaana wuxuu si gaar ah uga hadlay Amaanka oo uu sheegay in uu saldhig u yahay kabaayasha iyo horumarinta ilaha dhaqaale ee dal kasta leeyahay.

Musharaxu waxa sida oo kale uu ka hadlay shaqo abuur uu sheegay in uu u sameyn doono dhalinyarad reer Puntland oo ka cabanaya shaqo la’aan baahsan.

Morgan wuxuu sheegay in uu aqbalay dalab uga yimid Shacab badan oo ku nool mandiqada Puntland, ayna ka codsadeen in uu noqdo musharax Madaxweyne, si loogu doorto xilka Madaxtinimada waqtigan oo ay mandiqadu ku jirto marxalad xasaasi ah.

Hoos ka Daawo Muuqalka 

Jeneraalkan oo aysan inta badan jecleyn deriska Puntland ee Somaliland ayaa musharaxnimadiisa ku soo beegay waqti ay is horfadhiyaan ciidamo ka kala socda labada maamul, oo cabsi laga qabo in ay ku dagaalamaan gacan ku heynta gobalka Sool.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post- Bosaso