Xarunta Wasaaradda Maaliyada Puntland ee Bosaso oo dayactir lagu sameeyay

Bosaso-[Puntland Post] Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cabdullaahi Siciid Carshe Dhaqaaje ayaa xariga ka jaray dhisme cusub oo dib u dayactir ku sameysay Wasaaradda Maaliyadda ee xarunta magaalada Boosaaso ee Gobalka Bari.

Xafladda xarig-jarka ayaa waxaa Wasiirka kula weheliyay Wasiir dowlaha W/Maaliyadda Maxamuud Faarax Beeldaaje,Agaasimaha guud ee Maamulka Mudane Cabdirisaaq Maxamed Xasan,Agaasime guud Kuxigeenka Maamulka Mudane Cali Jaamac Gaashaan iyo xubno kamid ah shaqaalaha W/Maaliyadda Puntland.

Agaasimaha guud ee Maamulka Mudane Cabdirisaaq Maxamed Xasan ayaa ka sheekeeyay sida markii ay hore uu ahaa dhismaha hadda dib u dayactirka ay ku sameysay W/Maaliyadda Puntland.

…” Waad la socotaan sidey ahaan jirtay meeshaan taaganahay,waxay ahayad Xafiisyo aad isugu qariban biyuhu ay kusoo dareeraan,waxaana deganaan jiray Xafiiskan Miisaaniyadda,Xisaabaadka iyo Keydka Buuggaagta haddana waad u jeedaan sida ay u dhisan tahay qaabkeeda,waxaana arrintaas nagu guubaabiyay oo dhismaheeda hirgeliyay Wasiirka W/Maaliyadda ,waxaana fulisay shirkada Jibccon,waa wax aad loogu farxo weeye”ayuu yiri Mudane Cabdirisaaq.

Wasiir dowlaha W/Maaliyadda Maxamuud Faarax Beeldaaje ayaa isna dhankiisa sheegay in maanta ay farxad weyn u tahay in dhismahan cusub ee maanta xariga ka jaro Wasiirka Maaliyadda Puntland.

..” Farxad weyn bey noo tahay iyo maamuus in maanta Wasiirku xariga ka jaro mashruucan cusub ee dhismahan hortiina ka muuqata runtii waxaa lagu fuliyay waa isku tashigii Puntland u ahaa hal-ku dhiga”ayuu yiri Mudane Maxamuud Faarax Beeldaaje.

Eng. Cabaas oo ku hadlay afka shirkadda dhistay dhismaha cusub ee Jibccon ayaa sheegay in uu u mahadcelinayo Madaxda Wasaaradda Maaliyadda oo uu sheegay in la’aantood aysan dhameeyeen dhismahan,wuxuu sheegay iney mar walba u taagan yihiin u shaqeynta Ummada Soomaaliyeed.Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Cabdullaahi Siciid Carshe oo ugu dambeyn xariga ka jaray ayaa sheegay in dhismahan ay hirgelisay Wasaaradda Maaliyadda Puntland laguna daisy Isku-tashi dhanka W/Maaliyadda ah.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Cabdullaahi Siciid Carshe ayaa sidoo kale xariga ka jaray xarunta Hanti-dhowrka guud ay ku shaqeyso ee Puntland taasoo ay Wasaaradda
Maaliyadda dayactir ku sameysay ayaa mar kale ku celiyay in bulshadu bixiso cashuurta si qudhooda wax loogu qabto.