AMISOM oo soo Bandhigtay Qorshe Cusub oo looga Hor-tagayo Qaraxyada Al-shabaab

Muqdisho (PP) ─ Ergayga Midowga Afrika ee Somalia, Danjire Francisco Madeira ayaa ku dhawaaqay dadaaalo adag oo la doonayo in looga hortago khatarta waxyaabaha qarxa ee ku wajahan ciidamadda amniga iyo shacabka Soomaaliyeed.

Danjire Madeira, ayaa ka sheegay hadalkan furitaanka shirkii afraad ee labo sanadle ah oo looga hadlo ka hor-tagga Qaraxyadda in isticmaalka ay khatar weyn ku keeneen xasilloonida dalka.

“Sida ugu wanaagsan ee looga adkaaan karo waxyaabaha Qarxa waa in siyaasadeennu saxan tahay, haddii ay siyaasadeennu hagaagsanayn, waxba maahan in Teknolojiyadda la hawl-geliiyo, waxaanu u baahan doonaa in qof kasta uu doorkiisa ciyaaro,” ayuu yiri danjire Madeira.

Wakiilka ayaa ku booriyay ciidamada Booliiska iyo millateriga inay si dhaw isku kaashadaan, si looga hor-tago isticmaaalka aan kala sooca lahayn ee qraxyadda.

Shirkan oo hawl-galka AMISOM uu soo qaban-qaabiyay ayaa waxaa looga gol-leeyahay in la kordhiyo awoodda ciidanka Somalia iyo kuwa AMISOM ay u leeyihiin inay si buuxda uga hor-tagaan hubakan ay kooxda Al-shabaab u adeegsato Qaraxyada.

Dhanka kale, Danjire Madeira wuxuu carrabka ku dhuftay muhiimadda ay leedahay sirdoon adag iyo xogta oo la-wadaago iyo in si dhaw shacabka loola shaqeeyo.

Warbixinta AMISOM ayaa lagu sheegay in Al-shabaab ay waxyaabaha qarxa u adeegsato si ay ugu dilaan shacabka iyo ciidamada qaybahooda kala duwan.

Ugu dambeyn, Waddooyinka ay ciidamaddu isticmaalaan ayaa ah meelaha ugu badan ee miinooyinka qarxa ay khasaaraha ka geystaan, halka mararka qaarkood ay Al-shabaab u adeegsadaan weerarro qaraxyo ah baabuur kala duwan.

PUNTLAND POST