Imaaraadka oo Joojisay Taageeradii Ciidamada Dowlada Soomaaliya

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa Joojisay taageeradii iyo tababaradii ay siin jirtay ciidamada dowlada Soomaaliya.

Sida ay qortay wakaalada wararka ee WAM ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in Dubai ay joojisay taageeradii Ciidamada Soomaaliya.

Wakaalada ayaa ku warantay in arintaan ay ka dambeeysay kadib markii Imaaraadku uu ka carooday lacagtii dhowaan lagu qabtay garoonka Muqdisho.

Waxaa sii xumaanaya xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta bilahii la soo dhaafay.

Imaaraadka Carabta ayaa taageero isugu jirto Dhaqaale iyo Tababar waxa ay u fidin jireen ciidamada Dowlada Soomaaliya.

Dhowr jeer oo hore ayaa lagu eedeeyay in ciidamada Imaaraadku uu tababaro ay amarada ka qaataan Saraakiisha Imaaraadka hayeeshee aanay si toos ah awaamiirta uga qaadan Taliska Ciidamada Milatariga iyo wasaarada Gaashaandhiga.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho

One comment on “Imaaraadka oo Joojisay Taageeradii Ciidamada Dowlada Soomaaliya”

  1. WAAD DHIMANAYSAA BAKHTI LOOMA CUNO
    Amiirada u jeeddadoodu waa Soomaaliyeey, haddaad doonaysaan in aan xag dhaqaale idinka taakuleyno, waa in aad ogolaataan in aan dalkiinna iyo maamulkiinna sidaan doonno aan ugu takrifalanno. Waa gumeysiga cusub oo ah dhaqaala-gumeysi.
    Falka dalkaaga dambiga ka ah ogow in dalalka kalana uu dambi ka yahay. Laba gobol oo Imaaraadka gudihiissa ah haddii lacag malaayiin ah oo jawaanna ku jirta loo kala dhoofiyo waa dambi weyn oo qofkii ama hay’addii lagu qabto dhibaato badan bay la kulmaysaa haddii ayan ahayn Amiirada reerka dalka xukunta. Lacagaha waxaa la’isugu gudbiyaa waddooyin sharci ah oo sugan si looga ilaaliyo in ayan dhexda ku lumin.
    Amiirada Imaaraadku, haddi ay Soomaaliya ugu xanaaqsantahay lacagtaa qiyaas $ 10ka millyan ah oo sharci darrada ku heehaabeysay, wax loogula talagayna shaki ku jiray, waaxay iila muuqdaan in ay yihiin caruur waaweynaatay oo kibirtay yihiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *