Xaflad Heer sare loo agaasimay oo lagu caleema saaray Beeldaajaha Beelaha Cali Saleebaan oo ka dhacday Carmo

Waxaa maanta xaflad aan horay loo arag lagu qabtay magaalada Carmo ee gobolka Bari taas oo lagu caleema saarayey Beeldaajaha Beelaha Cali Saleebaan Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil taas oo ay ka soo qayb galeen dad kor u dhaafaya 2000 oo qof oo ka kala yimi daafaha Soomaaliya iyo caalamka kaleba.

Waxaa madasha ka soo qayb galay dhamaan madax dhaqameedyada dalka Soomaaliya iyo geeska Afrika ee ku abtirsada Afka Soomaaliga iyo madax kala duwan oo ka kala yimi qaybaha Soomaaliya sida dawladda Federaalka iyo maamul goboleedyada, Waxaa xafladda ka qayb galay dhamaan madaxda sare ee Puntland oo uu hogaaminayey madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo madaxweyne ku xigeenka mudane Cabdi xakiim Cbadulaahi Camey.

Madaxdii ka socotay Dawladda Federaalka waxaa hogaaminayey Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Abuukar Islow Ducaale waxayna ka koobnaayeen in ka badan Lixdan xubnood oo isugu jira Wasiiro iyoXxildhibaano labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ka socda.

Xafladda oo ahayd mid lagu qabtay goob loo diyaariyey si qurux badana loo sharaxay, laga buuxshay dhamaan Aaladaha dhaqanka Soomaaliga, lehna mugweyn oo balaaran si xarago ahna ay madaxda kala duwan iyo marti sharaftu u fadhiyeen.

Waxaa goobta caleema saarka ka hadlay madax dhaqameed fara badan oo ka kala socday qabaa’ilka Soomaalida meel kasta oo ay joogaan sida Koonfurta Soomaaliya, Waqooyiga Soomaaliya, Dhulka Soomaalida ee Itoobiya, Jabuuti, dhulka Soomaalida ee Kenya iyo kuwa kale oo ka yimi wadamada dibada.

Ducooyin iyo dardaarano kala duwan ayey madax dhaqameedku u soo jeediyeen Beeldaajaha cusub ee dhalinta yar iyaga oo Eebe uga baryey inuu u fududeeyo hawsha culus ee dusha laga saaray. Waxay kaloo madaxda dhaqanku sheegeen inĀ  beesha masuuliyada weyn saartay Beeldaajaha ay ka soo baxaan waajibaadkooda kaga aadan taageerida iyo maqlida Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil.

Xafladan waxaa laga daawanayey iyada oo toos ah dhamaan TVda dalka Soomaaliya iyo caalamka sida TVga weyn ee Aljazeera qabytiisa carabiga oo si toos ah xafladda u tebinaysay, dhamaan Warbaahinta Puntland iyo Soomaaliya ayaa iyaguna si toos ah xaflada looga socday.

Waxaa laysku raacay in xafladdu ay ahayd mid aan horay uga dhacin deegaanada Soomaalida, si weyna loo soo agaasimay.

 

 

PUNTLAND POST