Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa loo kala diray Warqado is qilaafsan oo iska soo horjeedo.
Laba Fariimo oo kala duwan ayeey Gudoomiye Muudeey iyo Gudoomiyihii iscasilay ee Jawaari u kala direen Xildhibaanada Baarlamaanka.
Warqada hore ayaa Gudoomiyaha iscasilay ee Jawaari u diray Xildhibaanada isaga oo u sheegaya in Bari Kulanka uu jiro islamarkaasina hadal jeedinta uu isaga leeyahay.
isla durbadiiba warqad arintaasi looga soo horjeedo ayuu Gudoomiye Muudeey Xildhibaanada u diray isaga oo sheegay in bari kulan aanu jirin ilaa amar dambena iyaga ay soo sheegi doonaan.
Arintaan ayaa u muuqata Jahwareer hor leh mar haddi uu is casilay Gudoomiye Jawaari.
Maanta ayuu Jawaari madaxweyne Farmaajo hortiisa ka sheegay in bari oo Arbaco ah uu kulanka Baarlamaanka hadal Jeedin ka jeedin doono isaga oo faah faahin doono is casilaadiisa.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho