Gudoomiye Jawaari oo is casilay

Warar hadda na soo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in goordhow uu is casilay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in kulamo waqti badan qaatay oo dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Jawaari kadib uu is casilay.

Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Muudeey ayaa Baarlamaanka ka hor aqriyay Warqada is casilaada ee Gudoomiye Jawaari.

Gudoomiye Jawaari ayaa codsaday in maalinta Arbacada uu Baarlamaanka ka horjeediyo khudbad.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ka kala dareeray Fadhiga Baarlamaanka kadib is casilaada Jawaari.

Faah Faahinta dib kala soco Insha allah

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post, Muqdisho