Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa Goordhow oo maanta ah magacaabay Guddi xaliya khilaafka siyaasadeed ee ka jira Baarlamaanka.
Guddigaan oo ah xubno katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa ay kala yihiin:-
1- Xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble, 2- Xildhibaan Been Beene 3- Xildhibaanad Sacdiyo 4- Xildhibaan Foowsiya Sheekh 5- Xildhibaan Xasan Yare, 6-Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi.
Xildhibaanadaan ayaa xal u raadinaya khilaafka ka dhexjira Baarlamaanka iyo Mooshinka laga keenay Gudoomiye Jawaari.
Xildhibaanadaan ayaa la kulmi doono Xildhibaanada wada Mooshinka Jawaari si ay ugala hadlaan xalinta khilaafka Siyaasadeed.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho