Warar lagu kalsoonaan karo oo aan heleeyno ayaa waxa ay sheegayaan in Afaafka hore ee xarunta Baarlamaanka lagu jirdilay Abaanduulaha ciidamada Xooga dalka Cabdullaahi Cali Caanood.
Wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in Abaanduulaha iyo ciidamo uu wato ay doonayeen in ay Xarunta Baarlamaanka gudaha u galaan hayeeshee loo diiday.
Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamadaan Jirdilay Abaanduulaha ay yihiin ilaalada Gudoomiye Jawaari.
Ha’adaha amniga wali kama hadlin jirdilkaan loo geeystay Abaanduulaha .
Ciidamo aad u farabadan oo isugu jiro Ciidamada Dowlada kuwa AMISOM iyo Ciidamo ajnabi ah oo wato eeyaha tababaran ayaa ilaalinaya amniga xarunta golaha shacabka.
La soco Puntland Post oo hel warar Deg Deg ah.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho