Militariga Soomaaliya ayaa sheegaya in 120 ka tirsan Al-shabaab ay ku dileen hawlgallo in ka badan laba todobaad ka socday gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.
Wakaaladda Wararka Soomaaliya ee SONNA oo xiganaysa taliyaha guutada 52 aad ee militariga Soomaaliya,Gen. Axmed Maxamed Maxamuud (Tareedisho) ayaa sheegtay in hawgallada oo bilowday 14 bishaan Maarso lagu dilay 120 ka tirsan malaysiyaadka Al-shabaab oo ay ku jiraan saraakiil sare,qaar kalena nolosha lagu qabtay.
Sarkaalkan ay xiganayso SONNA ayaa sidoo kale sheegay in militariga Soomaaliya oo kaashanaya ciimada AMISOM ka socda dalka DJibouti ay la wareegeen degaanno badan oo ka tirsan gobolka Hiiraan, tan iyo bilowgii hawlgalladan,isagoo ku hanjabay in ay sii wadayaan dagaalka Al-shabaab looga saarayo guud ahaan gobolka Hiiraan.
PUNTLAND POST