Somaliland oo xukuumadda Soomaaliya ku eedaysay in ay cuna-qabatayn ku soo rogtay

Madaxweynaha Somaliland,Muuse Biixi Cabdi oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa xukuumadda Soomaaliya ku eedeeyay in ay fara-gelin iyo weerar qaawan ku qaadday Somaliland.

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay ka baxday dhammaan heshiisyadii ku saabsanaa in aan la siyaasadayn mashaariicda horumarineed,islamarkaana ay cuna-qabatayn saartay, guud ahaan mashaariicdi caalamku ka fulinjiray Somaliland,kuwaasoo uu sheegay in loo wareejiyay magaalada Muqdisho.

Biixi ayaa sidoo sheegay in heshiisyada dowladda Federaalka Soomaliya ay ka baxday uu ku jiro heshiis dhigayey”in hawada Soomaaliya laga maamulo magaalada Nairobi,dhaqaalaha ka soo baxana Somaliland barkeeda la siiyo”,isagoo xukuumadda Soomaaliya ku eedeeyay in ay la wareegtay hawadii labada dhinac ka dhexaysay,islamarkaana ay leexsatay dhammaan dhaqaalihii ka soo bixi jiray.

Muuse Biixi ayaa hadalkiisa raaciyay in Somaliland ay Qaramada Midoobay u gudbinayso dacwad ka dhan ah dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku aaddan maamulka hawada sare ee dalka Soomaaliya.

Halkaan ka daawo Biixi oo ka jawaabaya su’aal arrintaasi laga weydiiyay.

PUNTLAND POST