Khasaare dhimasho oo ka dhashay shil ka dhacay duleedka Qardho.

Ugu yaraan laba ruux ayaa ku dhintay,mid kalena dhaawac culus ayaa ka soo gaaray shil gaari oo ka dhacay duleedka bari degmada Qardho,sida ay xaqiijiyeen ciidanka ilaalaada Waddooyinka ee gobolka Karkaar

Gaariga shilka galay oo lagu sheegay nooca Mark2, ayaa ka tegay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland,wuxuuna ku sii jeeday xarunta gobolka Bari ee Boosaaso,isagoo halkaas u siday jawaanno qaad ah,sida ay sheegeen ganacsatadii soo rartay.

Mas’uuliyiinta ayaa xaqiijiyay in shilkaan uu yimid,kadib markii gaariga oo si xawli ah ku socda uu dhex galay adhi laamiga bartankiisa go’ynaya,islamarkaana uu dareewalku si deg deg ah bareega u qabtay.

Wixii ka soo kordha kala soco:Puntlandpost