Shir looga hadlayey shaqo gudashada shaqaalaha dawladda oo Garoowe lagu qabtay

Shir looga arrinsanayey sidii loo samayn lahaa nidaam lagula socda shaqo gudashada shaqaalaha rayidka ah ee dawladda Puntland ayaa maanta lagu qabtay magaalada Garoowe, waxaana shirkaasi guddoominayey guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha rayidka ah ee Puntland Mustafa Siciid Shabac.

Shirka ayaa waxaa kasoo qayb galay wakiillo metelayey dhammaan hay’adaha kala duwan ee dawladda kuwaas oo isugu jirey Agaasimeyaal iyo Madaxqaybeeddo isla markaana  waxay shirkaan ku lafo gurayeen sidii loo heli lahaa nidaam sax ah oo lagu kor joogteeyo shaqaalaha dawladda.

Nidaamkaan ayaa marka la meel mariyo waxa uu noqonayaa mid kala saara shaqaalaha dawladda kuwo ku habboon shaqada ay hayaan iyo kuwa aan ku habboonayn isla markaasna waxa uu fududaynayaa in la dallacsiiyo qofka mutaysta dallacsiin si shaqaalaha kalena ay ugu dhiirradaan shaqo wanaag.

Inta shirkaani socdo waxa si dhab ah loo dersayaa sidii loo xaqiijin lahaa in nidaamkaanu uu u noqon lahaa mid marka hore isaga si dhab ah loo fahmo isla markaana dadka ku shaqaynayaa ay u ahaan lahaayeen kuwo si mugleh u fahamsan maadaama uu yahay mid masiiri u ah shaqaalaha dawladda.

Habkaana ama nidaamkan ayaa kamid ah siyaasadaha ay dawladdu beryahan ku hawllan tahay hirgelin tooda waxaana dawladda ka caawinaya Baanka adduunka oo dawladda ka taageera qayb kamid ah tayaynta hay’adaha dawladda.