Dalladda PUNSAA oo qabatay shir ku saabsan arrimaha xuquuqul insaanka Puntland

Shir ku saabsan wada-tashiga xaaladaha xuquuqda Insaanka  Puntland oo ay iska-kaashanayan Dalladda Daneeyaasha aan dowliga ahayn ee PUNSAA iyo Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha dowladda Puntland ayaa maanta ka furmay magaalada Garoowe.

Shirkaan oo mudda laba maalmood ah soconaya ayaa looga hadlayaa kor u qaadista wada-shaqeynta ka dhexaysa  Dalladda ay ku midaysanyihiin bulshada rayidka ah ee PUNSAA iyo Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland,gaar ahaanna sidii Xafiisku ula wadaagi lahaa bulshada rayid ah warbixinaha la xiriira heerka xuquuda Insaanka ee degaannada Puntland.

Guddoomiyaha Dalladda ay ku midaysan yihiin Daneeyaasha aan dowliga ahayn ee PUNSAA,Faysal Axmed Warsame(Faysal Qaran) oo ka hadlay furitaanka shirkaan, ayaa sheegay in dalladda ay ka go’antahay  in ay Xafiiska Difaaca kala shaqeyso u qareemidda arrimaha Xuquuqda Insaanka,si loo helo xogta rasmiga ah ee heerka Xuquuqda Aadanaha ee ka jira guud ahaan degaannada Puntland.

Dhinaca kale Maxammed Yuusuf Cali,Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha dowladda Puntland,ayaa shirka ka sheegay in ay diyaar u yihiin la-wadaagista bulshada rayidka ah,Xogta iyo warbixinaha ku saabsan heerka xuquuqda Insaanka,gaar ahaanna xaaladda ka jirta xabsiyada ku yaalla guud ahaan degaannada Puntland.

Ciid Qaran

PUNTLAND POST