Madaxweyne Farmaajo oo ku Wajahan Rwanda

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ku wajahan Magaalada Kigale ee caasimada Rwanda.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa uu hogaaminayo ayaa ka qayb galaya shir muhiim ah oo looga hadlayo Ganasiga xorta ah, kaas oo ka dhici doono caasimada dalka Rwanda ee Kigale.

Shirkaan waxaa sidoo kale ka qeeybgalaya Madaxweynayaasha Wadamada Uganda, chad, jabuuti , gabon, mali Senegal, Kenya, Soomaaliya iyo wadamo kale.

Waxaa xusid mudan in shirkaasi uu ka baaqan doono Madaxwaynaha dalka Nigeria mohamadu Buhari  hayeeshee shirkaasi ku yeelan doonaan matalayaal.

Shirkaan ayaa bari oo arbaco ah ka furmi doono caasimada dalka Ruwanda ee Kigali waxaana madaxda Afrika ay kala saxiixan doonaan heshiis Ganacsi.

ugu dambeeyntii Madaxweyne Farmaajo ayaa halkaasi kula kulmi doono Qaar kamid ah madaxda wadamada Afrika.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho