Maxkamadda Darajada kowaad ee gobolka Nugaal ayaa muddo todobaad ah u xiran arrimo ku saabsan mushahar la’aan haysata in ka badan lix bilood,sida uu xaqiijiyay mas’uul ka tirsan maxkamadda oo diiday in magaciisa iyo codkiisa la xigto.
Mas’uulkan oo la hadlay PUNTLAND POST ayaa sheegay in ay codsi qoraal ah oo ku aaddan mushaharka ka maqan ay u gudbiyeen dowladda,laakiin aan looga soo jawaabin,taasina ay keentay in gebi ahaanba ay xiranto maxkamadda,maadaama aan la hayn kharashkii lagu socod-siin lahaa adeegyada loo qabanayo shacabka.
Dowladda Puntland iyo mas’uuliyiinta maxkamadda ayaan midna weli wax ah ka soo saarin xirnaanshaha maxkamadda,laakiin shacabka magaalada Garoowe,gaar ahaanna dadka ay hawshu kaga xirantahay ayaa codsaday in si deg deg ah loo furo maxkamadda,si loo sii wado adeegyada garsooorka ee ay bulshada u hayso.
Halkaan ka daawo shacabka.
Wixii ka soo kordha kala soco:Puntlandpost.net