Dalladaha PUNSAA iyo SOSCENSA oo warsaxaafadeed kasoo saarey arrimaha dib u eegista dastuurka.

Dalladaha Ururadda aan dowliga ahayn ee PUNSAA iyo SOSCENSA oo ay ku mideysan yihiin inta badan ururada ka jira dalka Soomaaliya ayaa si wada jir ah warsaxaafadeed ka kooban 6 qodob uga soo saarey kulamo aqoon isweydaarsi ah oo loo qabtey ururada bulshada rayidka kuwaas oo hawshoodu tahay dardargelinta geedi socodka dib u eegista dastuurka, waxayna kulansiiyeen guddiga la socodka dib u eegista dastuurka ee labada aqal iyo Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Federalka iyo Guddiga madaxa banaan ee dib u eegista iyo hirgalinta qabyo qoraalka dastuurka.

Warsaxaafadeedka dalladaha ayaa loogu baaqay hay,addaha ku shaqada leh dib u eegista dastuurka yareynta khilaafka dhexdooda ah kaas oo ay sheegeen inuu niyad jab u noqon karo shacabka Soomaaliyeed.

Waxay taageereen go,aankii maxkamadda qaranka ee ku taarikheysnaa 15 November kaas oo ugu baaqay Dowladda Federalka Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah inay dhamaystiraan qabyo qoraalka dib u eegista dastuurka  sanadka 2018-ka.

Akhriso Warsaxaafadeedka Dalladaha PUNSAA iyo SOSCENSA.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST