Cabdi Faarax Juxaa oo maalinta berri ah Garoowe ku soo wajahan.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdi Faarax Siciid(Juxaa) haatanna ah musharrax u taagan xilka madaxtinimada Puntland ee sannadka 2019 ayaa maalinta berri ah ku soo wajahan magaalada Garoowe ee Caasumadda Puntland.

Mudane Juxaa oo hadda ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa kamid ah siyaasiyiin la baxay”Puntland Focus Group” oo dhammaantood u sharraxan xilka madaxtinimada Puntland ee sannadka 2019,sida ay xaqiijinayan dadka arrimahan la socda.

Xukuumadda Puntland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas) ayaa mudada xil-heynteeda waxaa ka haray in ka yar sannad,waxaana durba soo baxay musharrixiin u taagan xilka madaxweynaha ee doorashada soo socota.

PUNTLAND POST

One comment on “Cabdi Faarax Juxaa oo maalinta berri ah Garoowe ku soo wajahan.”

  1. Waa soo dhaweenaynaa dhamaan cidii u sharaxan madaxtinimda puntland ,,,, hadaba hadan shacabka reer puntland waa soo dhaweenaynaa ,,,, waxaa rajeenaynaa in ay ku dhamaato si wanagsan ,,,, madaxwaynaha xilka hada haya waxaa ku bogaadin unuu isna gacan wayn ka qaato sidii u dardargalin lahaa habka socodka doorashada wixii qalalaaso wadana u ka hor tago ,,,,

    Hadaba madaxda u taagan ama u sharaxan madaxtinimada puntland waa inay ilaaliyan nidaamka iyo habka socodka doorashada ,,,,, laamaha amniga waxaa ka codsanaynaa inay adkeeyaan xuduudaha puntland ay ka hortagaan cidii puntland dhibaateenaysa haduu madaxwayne yahay iyo haduu yahay shacab iyo haduu yahay cadow markaas dhibaya,,,, intaba inay xil wayn iska saaran ilaalinta dalkooda iyo dadkooda.

    Intaas waxaa ku darayaa anagu waa soo dhaweenaynaa cid walba oo xil rabta doonaysana inay ay puntland utaliso ,,,, waxaan bogaadin udirayaa dhaman musharixiinta in ay ku qancaan cidii ilahay xilka u dhiibo ,,, waayo ###luuxu maxfuudka ayuu ku qoran yhy cidii u talinaysa puntland ¥¥¥¥,,,,, hadaba waaa in ay ku qancaan lana shaqeeyan madaxwaynaha cusub 2019 up to 2024 ka.
    ,,,
    wixii kale waa soo gudbin ee quseeya doorashada hab usocdka puntland

    ,,, wsc
    ,,, by kulmiye

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *