Hay’adda Shaqaalaha rayidka ah ee Puntland oo Imtixaan qaadday

Hay’adda shaqaalaha rayidka ah ee dawladda Puntland ayaa maanta imtixaan ka qaaday 9 xubnood oo u tartamayey booska agaasima tiro-koobka  (Director of Statistics) oo ka bannaan Wasaaradda qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Puntland.

Booskaan ayaa hore loo soo dhejiyey balse tirada soo codsatay ayaa noqotay mid ka yar tiradii loo baahnaa inay soo codsadaan sida uu qabo sharciga shaqaalaysiinta ee hay’adda shaqaalaha rayidka ah sidaa awgeed ayaa mar labaad loosoo xayaysiiyey  si bulshada loogu soo bandhigo hannaanka hufnaanta iyo sharci ilaalinta hay’adda shaqaalah rayidka ah.

Imtixaanka ayaa waxa loo qaaday hab casri ah oo waafaqsan hannaankii ay beryahaan dambe hay’adda shaqaaluhu u dejisey qaadista imtixaanka taas oo ay qayb ka tahay imtxaanka lagu galo  hab (Computerized) ah.

Dawladda Puntland ayaa muddooyinkii dambe xoogga saareysey in shaqooyinka dawladda loo galo imtixaan furan oo dadka lagu kala xulanayo aqoontooda iyo khibraddooda si loo tayeeyo hay’adaha dawladda iyo dawladda kaashanaysa Baanka adduunka.