Siyaasi Faarax Cali Shire oo lagu soo dhaweeyay Mareykanka

Wasiirkii horre ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Faarax Cali Shire ayaa lagu soo dhaweeyay dalka Maraykanka xilli uu socdaal ku marayay muddooyinkii dambe qaar kamid ah dalalka Qaaradda Yurub.

Socdaalka Faarax Cali Shire ayaa lagu sheegay inuu salka ku hayo xog waraysi uu la yeelanayo Jaaliyadda kasoo jeeda deegaanada Puntland oo ku nool cariga Maraykanka.

Qaar ka mid ah Soomaalida Minneapolis ayaa u sameeyay soo dhaweyn, waxayna sheegeen dadka qaar oo warbaahinta la hadlay inay u saadaalinayaan Siyaasi Faarax Cali Shire Madaxweynaha Mustaqbalka dhaw ee Puntland.

Faarax Cali Shire oo hadal kooban siiyay warbaahinta ayaa sheegay inuu la kulmi doono qeybaha kala duwan ee Jaaliyadda Soomaaliyeed, islamarkaana ay iska wareysan doonaan arrimo kala duwan.

Wuxuu intaas ku darey inuu qeyb ka yahay socdaalkiisu safaro kala duwan oo uu bilihii lasoo dhaafey ku tagayay dalal kala duwan oo ku yaala caalamka, kuwaas oo ay ku nool yihiin Jaaliyaddo Soomaaliyeed.

Dhinaca kale wuxuu ka warbixiyay kulan uu la yeeshay Maayarka magaalada Minneapolis Fray Jackob oo uu sheegay inay ka wada hadleen arrimo kala duwan oo ku saabsan xaaladda Jaaliyadda Soomaalida ee ku nool Gobolkaas.

10 bisha March 2018 ayaa la filayaa xaflad balaaran in loogu sameeyo magaalada Mineapolis Wasiirkii horre ee Maaliyadda Puntland, wuxuuna imaanayaa safarka uu ku marayo qurbaha xilli uu ka mid yahay Faarax Cali Shire siyaasiin la hadal hayo inay u tartami doonaan xilka Madaxweynaha Puntland, inkastoo uusan wali si rasmiya uguĀ  dhawaaqin.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST