Ciidammo Gaar ah oo Hawlgallo ballaaran ka billaabaya Magaalada Muqdisho, kaddib…

Muqdisho (PP) ─ Kulan looga hadlayay Amniga iyo Xasiloonida Caasimadda Somalia ee Muqdisho ayaa laga soo saaray go’aano la xiriira howl-gallo aad u ballaaran oo caawa ka bilaabanaya Muqdisho.

Kulankan oo maanta  lagu qabtay xarunta Gaadiidka Booliska ee Degmada C/casiis, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Kheyre, Wasiirka Amniga, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Taliyeyaaha Booliska, NISA iyo Saraakiisha AMISOM.

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaliya Ducaale oo kulanka hadal ka jeediyay ayaa kula dar-daarmay Ciidamada amniga inay dardar geliyaan howl-galada amniga, lagana hor-tago weerarada cadawga.

“Tallaabadan waa mid aan ku xoojinayno amniga guud ee Caasimadda oo ay habeen hore ka dhaceen qaraxyo dhibaato geystay, waxaana doonaynaa in aanay dib u soo laaban weerarro noocaas oo kale ah,” ayuu Wasiir Ducaale ku sheegay hadalkiisa.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Kheyre oo isaguna la hadlay ciidamada Xasilinta Muqdisho oo todobaadyadii u dambeeyay warkooda la waayay ayaa wuxuu ku amray xoojinta amniga Caasimadda, waxaana uu uga digay in ciidamada dhexdooda isku dhacaan.

Dhanka kale, Ciidamada Xasilinta Caasimadda Dalka ayaa lagu amray inay adeecaan Taliyeyaashooda, isla markaana u dhega nuglaadaan amarada la siinayo.

Ugu dambeyn, Howl-gallada lagu dhawaaqay inay caawa ka bilaabanayaan Muqdisho ayaa kusoo beegmaya, iyadoo habeenkii Jimcaha ay Qaraxyo iyo weeraro toos ah Al-shabaab ka geysatay Muqdisho.

PUNTLAND POST