Ra’iisul Wasaare Kheyrre oo berri u safraya Dubai. Waa maxay ujeedka socdaalkiisa?

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xassan Cali Kheyrre iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maalinta berri ah ku wajahan magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta,sida uu xaqiijiyay mas’uul ka tirsan Villa Soomaaliya.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha iyo wefdigiisa ay ku tegayaan waddanka Imaaraadka Carabta ayaa salka ku haya xoojinta xiriirka labada dal oo mugdi ku jiray tan iyo markii xukuumadda Soomaaliya ay go’aan dhexdhexaadnimo ah ka qaadatay khilaafka Gacanka,sida uu PUNTLAND POST u sheegay sarkaal ku sugan Villa Soomaaliya oo diiday in magaciisa la xuso.

Warar qaar ayaa sheegaya in dowladda Imaaraaadka Carabtu ay aad uga carootay askar la sheegay in Qadar ka qoranayso gudaha Soomaaliya,iyadoo aan weli xal laga gaarin khilaafka ka aloosan Gacanka Carabta,taasoo sii xumaysay xiriirka Imaaraadka iyo Soomaaliya.

Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya magaalada Muqdisho ayaa dhowaan la kulmay madaxweynaha Soomaaliya,waxaana kulankooda looga hadlay wanaajinta xiriirka labada dhinac,sida lagu sheegay qoraal xilligaasi lagu daabacay Wakaaladda Wararka WAM.

Sannadkii tegay,qaar kamid ah siyaasiyiinta Soomaalida ayaa Imaaraadka Carabta ku eedeeyay in ay xasarad iyo colaad ka hurinayso gudaha Soomaaliya,iyagoo dowladda u soo jeediyay in la eryo safiirka dalkaasi ujooga Soomaaliya.

PUNTLAND POST