Maqaal: Madax dalal kale xilka u haya, Soomaaliyana xukuma!….V

SHaki  la’aan Nuur Cadde wuxuu wax ka ogaa shirqool loo maleegay dowladdii uu isaga Ra’iisal wasaaraha ka ahaa, wuxuu wax ka ogoo oo lagu qanciyay inuuu dumiyo dowlad Soomaaliyeed oo markaas iyada keliya rajada keliya ee in dib loo soo unko qarankii Soomaaliyeed ee burburay!…Nuur Xasan wuxuu noqday udub-dhexaadkii uu isku taagay qorshihii burburinta ahaa ee ay waxa Beesha Caalamka loogu yeero la damacsanayd Soomaaliya.

Wuxuu gogol xaar u noqday oo irridaha u balaqay nidaamkii dhicisoobay ee uu Maraykanka u dhisay Is-bahaysigii la dagaalanka Argagixisada ee ay hoggaaminayeen Dagaal-Oogayaashii Muqdisho; Muuse Suudi Yalaxow oo ahaa Wasiirka ganacsiga, Maxamed Qanyare Afrax oo ahaa Wasiirka Amniga, Bootaan Ciise Caalin oo ah Wasiirka hub ka dhigista maleeshi yooyinka, Cumar Maxamed Maxamuud (Cumaar Finish) oo ah Wasiirka awqaafta iyo arrimaha Diinta, C/rashiid Shire Ilqeyte, Cabdi Nuure Siyaad (Cabdi Waal), Ganacsade Bashiir Raage Shiraar,  Cabdi Shukri Cali Xirsi, Cabdi Ciise.

Waa dhab oo arrin qarsoon ma ahayn in khilaaf siyaasadeed soo dhex galay isaga iyo Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf, laakiin Nuur Cadde ama ha fahamsanaado ama yuusan fahamsanaan oo nin la isticmaalay ha ahaado wuxuu si buuxda wax uga fuliyay qorshe cad oo waxa Beesha Caalamka loogu yeero ay ku duminaysay dowladdii uu isaga Ra’iisal wasaarha ka ahaa, qorshahaas oo ay hor kacayeen dowladda Marykanka iyo Itoobiya ayaa ahaa mid aad uga qoto dheeraa in la rido Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed, oo isagu lagu tuhmayay inuu lahaa hankii iyo wadaninimmadii lagu yaqaanay dadka Soomaaliyeed ee ay ku soo shaqeeyeen dowladihii dalka soo maray.

Waxaana qorshaha oo dulucdiisu aad u qoto dheereyd ujeeddadiisu ahayd in hoggaanka Soomaaliya lagala dagaalo inay qabtaan, dad wax ka garanaya ama xambaarsan dareenkii gumeysi diidka ahaa iyo halgankii ay ummadda Soomaaliyeed u soo martay gobanimadeeda, si taas loo gaarana waxaa lama huraan ahayd oo waxa Beesha Caalamka loogu yeero qasab ku noqotay inay marka hore la dagaalamaan Cabdullaahi Yuusuf oo ay meesha ka saaraan, waxayna dad badan oo horay ula soo shaqeeyay Nuur Cadde rumaysanyihiin  inuu Ra’iisal wasaare Nuur Xasan Xuseen qorshahaas loo adeegsaday, waliba isaga oo aan garanayn ujeeddada loo riday Cabdullaahi Yuusuf, iyo khatarta iyo cirib xummada uu qorshahaas dalka uga tagayo, qayb kale oo isla dadka horay ula soo shaqeeyay Nuur Cadde ayaa ku tilmaamay nin waligiis basaas u ahaa dalalka shisheeyaha ah isla markaas ay aad ula yaabeen magacaabiddiisii, wuxuuna sameeyay wixii la filaayay inuu samaynayo….

{Midowga Yurub waxa ay innaga damceen haddii ay u saxiixeen niman aan xil-kas ahayn ma aha wax laynaga helayo!}

Si kastaba ha ahaatee, is-casilaaddii Cabdullaahi Yuusuf (December  29,2008) hal maalin kadib (Decembe31,2008) iyadoo uusan dalka Madaxweyne lahayn, isla markaasna walaahow hor leh la geliyay, ayaa dalalka Midowga Yurub si aad moodo inay sugayeen inta Madaxweynaha xilka laga qaadayo ama lagu qasbayo inuu dego waxay safiirkii Soomaaliya u joogay Kenya Maxamed Cali Ameerika ula tageen barnaamij baaxad weyn oo runtii khatar ku ah dalka,  barnaamijkaas marka sida uu yahay loo qeexo Nuur Caddde wuxuu dalka siiyay Midowga Yurub, waxaana cajiib ah marka aad fiiriso sida uu u qoranyahay Heshiis-ku-sHeegga waxaad garanaysaa xil-kasnimo darrada meesha ka dhacday inta ay la egtahay, heshiis-ku-sheeggaas wuxuu ceeb ku ahaa cid kasta oo wax ka saxiixday ama ha noqdaan dalalka ka bahoobo Midowga Yurub oo isu qaba dad dhoohan oo aan wax kala garanayn ay ka caqli badiyeen, ama ha noqoto kuwii la glay.

Waxaa  sidoo kale ay far-ku-godantahay Amb. Max’ed Cali Ameerika oo sida muuqata kaalin weyn ka qaatay dhagarta xafiiska Nuur Cadde la soo mariyay, maxaa yeelay waxa meesha ka qoran ma ahayn wax xataa Madaxweynaha dalka uu saxiixo karo, waayo waxa meesha ku qoran waxay ahaayeen hadal macnihiisu yahay Qaran iyo Dowlad ma tihiin!… Marka waxay su’aal ka taagantahay sidee Amb. Max’ed Cali Ameerika u saxiiay  arrintaas ?!… sow inuu u bareeray ma aha? Waayo heshiiskaan wuxuu si cad u leeyahay ciidammada Midowga Yurub (European Union-Led Naval  Force) ay kaga xaquuq badanyihiin ciidammada Soomaaliyeed  dalka Soomaaliya, xuquuqdaas waxaa kamid ah in askari ka tirsan ciidmmada Midowga Yurub aan la xiri karin, laakiin askariga Soomaaliyeed ee dalk iska leh waa la xirayaa haddii uu danbi galo, waxaa kamid ah in dalka Soomaaliyeed uu meeshuu doono ka mari karayo oo aan la baari karayn askariga Midowga Yurub iyo Hawl-Wadaannada Madaniga ah, aan lala hadli karayn, aan wax la weydiin karayn, macnaha meeshuu doono ayuu baaran karaa, wuxuu doono ayuu ka samayn karaa!! …Nuur Cadde isagu ma uusan joogin meesha lagu saxiixayay heshiis-ku-sheeggaas isagoo malaha ujeeddadiisu ahayd inuu isu ekeysiiyo inuusan waxba kala socon saxiixa arrinkaas.

Marka la fiiriyo guud ahaan dabeecadda heshiiska iyo sida uusan u waafaqsanayn xeerarka dowladnimo guud ahaan iyo gaar ahaan qaranimmada Soomaaliyeed, marka aad fiiriso waqtiga lala beegsaday in la saxiixo,iyo sida loo dedejiyay, iyo marka aad fiiriso sida Ra’iisal wasaarihii dalka isu moogaysiiyay, waxaa kuu muuqanay arrimaha siday isugu wada xirnaayeen waxaana si aan shaki kaa geleyn u garowsanaysaa in Nuur Cadde uu qorshaha iyo dagaalka dowladda dalka lagu af-gembinayay uu isagu ahaa ninkii loo soo maray isla markaasna fuliyay!

Qiyaas! Madaxweynuhu wuxuu is casilay December 29-keedii, hal maalin ka dib oo ku beegan December31keeda Max’ed Cali Ameerika wuxuu Midowga Yurub u saxiixay in gaadiidkooda Badda, Cirka, iyo Dhulka Soomaaliyeed ay meeshay doonaan ka mari  karaan iyadoon wax shuruud ah iyo xudduud aan lagu xirin, isla markaasna aan haba yaraatee waxba lagu bedelan aan ka ahayn in loo muujiyo JACAYL!…aan ka ahayn in loo muujiyo DIMUQURAADINIMO!…..aan ka ahayn in loo muujiyo in iyaga DAACAD loo yahay gar iyo gar-darraba!….Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf sababta loola dagaalay waxay ahayd inaysan ka suuroobayn waxaas iyo wax la mid ah, waxay ahayd in lagu arkay inuu hiddo raacayo dhaqankii iyo caadooyinkii gumeysi diidnimmada ahaa ee madaxdii Soomaaliya ee dalka soo maray ay lahaayeen!….Marka, weydiinta haboon in qof kasta iyo siyaasi kasta oo Soomaaliyeed uu is weydiiyo waxay tahay heshiiskaas sharci ma noqonayaa?!…Jawaabtuna iyadoo aan feker badan la gelin  waa MAYA !…MAYA!…MAYA!… Midowga Yurubna sidaas way ogyihiin, laakiin waxaysan arag cid wax ku qabsanysa…

Midda kale ee meesha ku jirta waxay tahay oo xoojinaysa tuhunka ah in Nuur Cadde loo adeegsaday riditaankii dowladda, sida uu u yeelay heshiis gaarsiisan heer ciidamo dalka loo fasaxayo inuu Safiir saxiixo, iyadoo uusan dalka Madaxweyne lahayn, xaalad degdeg ah oo kala guur ah uu galay, maxaa yeelay heshiiska heerkaas ah haddiiba uu qof saxiixayo  ma aha mid heer safiir anasax ku noqon kara, waxaase wada tashi qoto dheer kadib haddii laysku af garto saxiixi kara labo Madaxweyne iyo Ra’iisal-wasaare, waxaan inta badan lagu wada saxiixdaa gudaha  labada dal ee heshiiskaas galaya midkood, taasoo cadaynaysa muhimadda iyo baaxadda heshiiskaas leeyahay inay tahay mid labada dhinac ay wada ogyihiin! laakiin inuu safiir keligiis ku tagri falo oo saxiixo waa sharci daro! Marka laga hadlayo dalalka sheegta inay yihiin quwadaha adduunka safiiradooda heshiis kaas la mid ah iyo mid ka baaxad weynba way u saxiixi karaan dowladahooda, waxaase shardi ah in heshiiskaas yahay mid uu safiirka wax ka soo bilaabay,oo horay u soo socday oo madaxda labada dal ay horay u soo wadeen isla markaasna uu safiirka xog-ogaal u ahaa oo uu la socday xaaladihiisa ilaa la soo dhameeyay, waxaana intaas oo dhan ka weyn dalka ay heshiiskaas la gelayaan inuu yahay mid kamid ah kuwa ay ugu yeeraan Dunida Seddexaad! oo aysan uga baqayn cudud ciidan ama miisaan siyaasadeed oo saamayn ku yeelan karta caalamka intiisa kale!

{Adan Max’ed Nuur iyo Xildhibaannadii maxaa ku dhacay oo heshiis-ku-sheeggaas uga hor imaan waayeen?!…CABSI!….VISA!…wax kasta rakhiis!}

Max’ed Cali Ameerika, wuxuu kamid ahaa dhalin yaradii dibadaha ama dalalka reer galbeedka uga yimid ama uga yeereen siyaasiyiinta fadhiyay shirkii Mbagathi, wuxuuna markii u horeysay shaqadiisa ka bilaabay xafiiskii Ra’iisal wasaarihii hore Cali Max’ed Geeddi. Waxaa ka horeeyay oo isagana Geeddi xoogaa la shaqeeyay, markii horena loo malayniyay inuu xilkaas safiirnimmada ah qabanayo  nin kale oo isagana kamid ahaa dadkii qurbaha ka yimid oo lagu magacaabayay Cabdiraxmaan Maleeshiyo. Waxaa iyadana sidaa soo kale Wasiir kasta, ama Xildhibaan kasta maalmahaas ka ag dhowaa oo boorsada ka daba waday dhallin-yaro ay intooda badan uga yeerteen dalalka reer galbeed ah, iyadoo ujeeddaduna ahayd in lagu gaaro kalsoonida dalalka dhalintaas laga keenay ama ay ka yimaadeen si loogu gaaro hadaf siyaasadeed ama haddaan si kale u iraahdo xil ama mansab siyaasadeed…qaabkaas uu Max’ed Cali Ameerika ku yimid wuxuu ahaa qaab ama nidaam ay waxa Beesha Caalamka loogu yeero ku shaqaalaysatay dad badan uguna soo darsatay hoggaanka siyaasadda dalka; qaar noqday xil-dhibaano, kuwa noqday Wasiiro, agaasimayaal, waxa ugu badan ee kaalin ahaan ay u haleen waxay ahayd safiirnimo, iyo xiriirrad arrimaha dibadda….Ugu dambayntiina waxa Beesha Caalamka loogu yeero waxay ku guuleysatay inay hoggaankii siyaasadda dalka ka dhigto mid dunida oo dhan ay wada leedahay….Is-casilaaddii Cabdullaahi Yuusuf ka dib Af-hayeenkkii Baarlamanka Adan Madoobe wuxuu ku dhawaaqay in doorashada Madaxweynaha dhaqso loo qabanayo ayna ka dhacayso Baydhabo laakiin ma dhicin sidaas!….

W/Q:- Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan