Wasiirkii Maaliyada Soomaaliland Marwo Sam Sam oo ku sugan Muqdisho

Sida ay Qoreen Saaka Qaar kamid ah Warkeysayada ka soo baxa Magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Soomaaliland waxaa magaalada Muqdisho ku sugan Wasiirkii Maaliyada ee Soomaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan.

Marwo Sam Sam ayaa aheyd wasiirkii maaliyada ee maamulkaasi Soomaaliland Xukuumadii Siilaanyo uu hogaaminayay.

Warkeyska Foore ayaa sheegay in Marwo Zam Zam ay Muqdisho u tagtay arimo ku saabsan lacag malaayiin Dollar oo ay ka dhaceen Sida la sheegay dad Soomaali iyo Koonfur Afrikaan isugu jiro.

Warkeeyska ayaa sheegay in Ganacsatada Soomaaliyeed ee lacagta ka dhacay Marwo Sam Sam ay ehelo dhow yihiin madaxweynaha Gal-Mudug Xaaf.

Marwo Zam Zam ayaa hadda Muqdisho waxa ay ka dagantahay Guri uu Muqdisho ku leeyahay Madaxweynaha Gal-Mudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Si dhab ah looma oga Lacagtaan iyo inta ay dhantahay iyo qaabka looga dhacay walina Marwo Zam Zam kama hadlin arintaasi.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho