Ra’iisul Wasaare xigeenka Turkiga iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo soo gaaray Muqdisho


Muqdisho (PP) ─
Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Turkiga, Hakan Çavuşoğlu ayaa goor-dhow soo gaaray Magaalada Muqdisho ee xarunta Somalia, waxaana si weyn u soo dhaweeyay xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta Dowladda ee soo dhaweeyay wafdigan ayaa waxaa hor-kacayay Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Somalia, Mahdi Maxamed Guuleed, iyagoo sheegay in booqashadan ay qayb ka tahay xoojinta xiriirka labada waddan.

Soo -dhoweyn kaddib, Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Turkiga ayaa booqanaya Saldhiga Militari ee Turkiga uu ku tababaro ciidamada Somalia ee ku yaalla deegaanka Jazeera ee duleedka Muqdisho.

Dhanka kale, Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Turkiga ayaa inta uu ku sugan Muqdisho la kulmi doono madaxda Dowladda Somalia, isagoo kala hadlaya xiriirka labada waddan iyo sidii loo xoojin lahaa.

Ugu dambeyn, Dalka Turkiga ayaa ah saaxiibka ugu dhaw Somalia, waxaana si joogto ah Somalia u timaadda diyaaradda Turkish Airways, taasoo xuddun u ahayd xiriirka Somaia iyo Turkiga.

PUNTLAND POST