Dad shabaab looga shakiyay iyo badeecooyin dhacay oo Garoowe lagu qabtay

Waaxda Tayo-dhowrka Puntland iyo Taliska Qeybta gobolka Nugaal ayaa maanta magaalada Garoowe ku soo bandhigay 50 kartoon oo timir dhacday ah,taasoo lagu soo qariyay gaari xamuul ah oo ka yimid magaalada Boosaaso.

Goobta lagu soo bandhigay gaariga siday timirta dhacday ayaa waxaa goob joog ahaa Agaasimaha waaxda Tayo-dhowrka Puntland,Salaad Aadan Maxamuud,Duqa Caasumadda Garoowe ,Xassan Maxammed Ciise Goodir,guddoomiye ku xigeenka gobolka Nugaal, Calisalaad Diiriye Faarax iyo guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Fara-weyne.

Agaasimaha waaxda Tayo-dhowrka Puntland,Salaad Aadan Maxamuud ayaa sheegay in aanay aqbali doonin badeecooyin dhacay in Puntland lagu isticmaalo si shacabka loogu dhibaateeyo,islamarkaana ay isha ku hayaan cid walba oo arrintaasi ku hawlan.

Duqa Caasumadda Garoowe,Xassan Maxammed Ciise Goodir ayaa sheegay in Puntland aysan ahayn meel wax kasta la soo geliyo,maadaama ay ka jirto waax dhan oo qaabilsan hubinta tayada badeecooyinka la soo gelinayo degaannadeeda.

Taliska Qeybta gobolka Nugaal,G/sare Faarax Cabdiraxmaan Warsame(Galangoolli) oo soo qabtay timirtaan dhacday ayaa ballan qaaday in ay Waaxda Tayo-dhowrka Puntland kala shaqeyn doonaan sidii dadka reer Puntland looga ilaalin lahaa badeecooyinka dhacay ee dalka la soo gelinayo.

G/sare Galangoolli ayaa sidoo kale sheegay in ay xalay ciidanka Booliisku ay magaalada Garoowe ku soo qabteen dad looga shakisanyahay in ay Al-shabaab ka tirsan yihiin oo lagu soo dhex qariyay gaari xamuul ah oo xoolo siday,kaasoo ka yimid Koonfurta Soomaaliya.

Guddoomiyaha gobolka Nugaal,Cumar Cabdullaahi Fara-weyne oo dhankiisa ka hadlay goobta lagu soo bandhigay badeecadan dhacday, ayaa sheegay in ay si isku mid ah ula dhaqmayaan dadka gawaarida qaraxyada ku soo qariya iyo kuwa badeecooyinka dhacay ku soo qariya,maadaama ay ka siman yihiin dabar-go’yta shacabka.

 

Halkaan ka daawo dhammaan mas’uuliyiinta

PUNTLAND POST