Guddoomiyihii Waxbarashada gobolka Nugaal oo xilka laga qaaday.

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dowladda Puntland,Abshir Yuusuf Ciise ayaa maanta xilka ka qaaday guddoomiyihii Waxbarashada gobolka Nugaal,Xaashi Xuseen Faarax,waxaana xilkaasi loo magacaabay,Cabdisamad Xaamud Maxamed,sida ku cad Warqad ka soo baxday Xafiiska Wasiirka.