Dalka Itoobiya oo la galiyay xaalad deg deg ah

Warbaahinta Dowladda Itoobiya ee EBC ayaa xili dhaweyd looga dhawaaqay in xaalad deg deg ah la galiyay dalkaas.

Golaha wasiirada Itoobiya ayaa shir ay ilaa maanta lahaayeen ku dhawaaqay in dalka la galiyay xaalad deg deg ah oo seddex bilood ah, taas oo isla maantaba bilaabatay.

Goluhu waxay sheegeen in xaaladan looga golleeyahay sidii loo ilaalin lahaa Dastuurka, nabad galyada iyo xasilloonida dalka Itoobiya, waxayna sidoo kale sheegeen in ay sidoo kale sababtay qalalaasihii qowmiyadaha qaar u dhaxeeyay ee dhacay, kuwaas oo sababay dhimashada dad rayid ah.

Arintan ayaa timid markii Ra’iisul wasaarihii Itoobiya Hailemariam Desalegn uu shalay oo Khamiis ahayd  iska casilay xilkii Ra’iisul wasaarenimo iyo kii xisbiga talada haya ee EPRDF,

Desalegn ayaa is-casilaadiisa ku macneeyay in ay qayb ka tahay hanaanka dib u habeynta siyaasadda dalka, si waddanku u helo degenaasho siyaasadeed iyo dimuqraadiyad.

Degenaasho la’aanta siyaasadeed iyo rabshadaha ka socda Itoobiya oo socday tan iyo 2015-kii ayaa geystay dhimashada boqolaal ruux iyo barakaca kuwo kale.

PUNTLAND POST