Shirkadda Jubbo Airways oo wax kama jiraan ku tilmaamtay hadal ka soo yeeray Wasiirka Cadaalada Puntland

Bosaso-[Puntland Post] Mas’uuliyiinta Shirkadda duulimaadka Diyaaradaha ee Jubbo Airweys oo  shir jaraa’id ku qabtay xarunta shirkadda ee magaaladda Bosaso ee xarunta gobalka Bari, ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay hadal dhowaan uu sheegay Wasiirka wasaaradda Cadaaladda Puntland Saalax Xabiib Jaamac.

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha diinta Puntland Saalax Xabiib Jaamac oo dhawaan safar dalka dibadiisa ah dib uga soo laabtay ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed Xajka ku tagaan lacag qaali ah oo uu ku eedeeyey shirkadda Jubbo Airweys,

Masuuliyiintan ayaa cadeeyey in arintaasi ay tahay waxba kama jiran wasiirkuna uu hubsado hadalka uu lee yahay isla markaana ay shirkado badan ay ka wada shaqeeyan Xajka.

hoos ka daawo Muuqalka shirka Jaraa,id ee Masuuliyiinta shirkada Jubba Airweys.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post-Bosaso

 

6 comments on “Shirkadda Jubbo Airways oo wax kama jiraan ku tilmaamtay hadal ka soo yeeray Wasiirka Cadaalada Puntland”

  1. Shaqadayada Annagaa u madax bannaan Ku laahaa, ma tuuga-nimo ayaad u madax bannaan tihiin, ministadaaca ma Ku dhiig miiranaysaan……jubba -maafiya…wasiirku waa saxan-yahay ee xag-xagasha iyo marin-habaabinta joojiya……yaase idiin wakiishay shaqada idinkaa khasbanayaa…..war tuugtan halls iska dhiciyo

  2. Ascw
    Waxaa layaab leh in mas’uulka u hadlay shirkadda juba airways uu isu compare gareeyo dadka maraykan kasoo xajiya iyo kuwa soomaaliya kasoo xajiya. Miteysan haboonayn inuu is barbardhiga soomaalida iyo Ethopia, Jabuuti iyo dawladaha Gobolka inta uu barbardhigayo maeaykan

  3. Waa mooryaantii oo isbaaradii dhigatay hawada kkkkkkkkk. Jabuuti waa in kayar 2000. Marka maxay iayagu dadka u qabtaan oo dheeraad ah waa waxba. Midda kale maraykan waxaa laga qaadaa 7000 ku lahaa adeer ka maraykanka ka imanayaa 8000miles ayuu soo dulaa meel fiicanna waa la dajiyaa doolarna wuu ku shaqeeyaa. Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu ummadda weliba xujaajta aad dhacaysaan ee aad xoolahooda diinta ugu soo gabbanaysaan inuu idinka qabto

  4. Is-barbar dhigga Soomaaliya iyo Yurub ma saxna. Waxay ahayd inay la barbar dhigaan Kenya, Ethiopia, Djibouti iyo Yemen oo ah dalal derris la ah Soomaaliya. Waxaa ummadda muslimk ah ee kasoo jeeda dalalkani ku xajiyaan lacag dhan kala-barka qiimaha looga xajiyo Soomaaliya, ama kaba sii yar.

    Waxay ila tahay in Jubba Airways aysan ku qaldanayn qiime-u-goynta Xajka, maxaa yeelay waxaa kaalintan gabay Dawladda Soomaaliya gaar ahaan Xoghayaha Diinta/Awqaafta ee Safaaradda Soomaaliya Dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo Wasaaradda Diinta/Awqaafta oo laga rabay inay kasoo dhalaalaan maamulka iyo maaraynta qoondada xujeyda Soomaaliyeed, ee ma ahayn in shirkad maamusho.

    Waxaan rajeynayaa in dalku soo kabanayo, hey’aadka ku shaqada leh xajkana ay fulin doonaan kaalimahooda laga filayo mustaqbalka dhow.

  5. Wasiir Xabiib ayaa ugu baaqay Xukuumadda Soomaaliya inay wax ka qabato cabasho xoogan oo ka jirta qiimaha Soomaalidu sanadkii ku aadan gudashada waajibaadka xajka. Wuxuuna ku eedeeyay arrintaas shirkadda Jubba Airways inay sabab u tahay sarre u kaca qiimaha xajka oo qofkiiba laga qaato lacag gaareysa $ 4,000 ( Afar kun oo dollar). Wuxuu sheegay Wasiirka Cadaaladda Puntland 15 bishan 2018 in Madaxda Dowladda Federalka Soomaaliya saxiixi doonaan qoondada Dowladda Sucuudigu ka siisay tirada dadka Soomaalida ee u socdaalaya xajka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *