Faalo: Garowe magaalo ka aradan adeegyada asaasiga hadana soo xeraysa dakhli xoogan

Magaalada Garowe oo ah xarunta gobalka Nugaal ahna caasimada Dawlada Puntland tan iyo 1998 ayaa horumar baaxad leh samaynaysay tan iyo burburkii Dawladii dhexe ee Soomaaliya oo ay usoo qaxeen kumanaan qof oo markoodii hore uga haajiray gobalada kale ee Soomaaliya.

Garowe waxaa lagu tilmaamaa magaalooyinka ugu nidaamsan, ugu wadooyinka wanaagsan, ugu amaanka badan, uguna koboca wanaagsan guud ahaan magaalooyinka Soomaaliyeed, waxayna magaaladani samaysay horumar iyo fiditaan baaxad leh sanadihii u danbeeyey.

Caasimada Puntland waxay noqotay magaalo soo jiidatay dad aad u fara badan oo Soomaaliyeed waxaana la arkaayey sanadihii u danbeeyey dadyow fara badan oo ka kala yimi guud ahaan dhulka Soomaalida oo si baaxadleh magaalada u dhisanaaya, una maal gashanaaya sababtoo ah waa magaalo caan ku ah nabad galyo la isku halayn karo, cimilo wanaagsan ayna ka jirto waxbarasho tayo leh, sidoo kale waa fadhiga Dawlada Puntland iyo hay’adaha caalamiga ee degaanadan ka hawlgala.

Maxaa u diiday Garowe adeegyada asaasiga u ah arimaha bulshada?

Inkastoo dadweynuhu ay dadaal fara badan muujiyeen ayna caasimadan ka dhigeen magaalo soo jiidata Soomaalida iyo aduunkaba, hadana nasiib daro Garowe waa caasimad aan lahayn adeegyadii asaasiga ahaa sida caafimaad,biyo macaan iyo xitaa dab-damis.

Anagoo mid mid u kala qaadi doonaa taya xumada adeegyada arimaha bulshada ee caasimada balse marka hore waxaan is-waydiin doonaa halka la geeyo dhaqaalaha xoogan ee magaaladan soo gala.

Dakhliga usoo xarooda Caasimada iyo curaarta 1% ee uga xaroota dhamaan gobalada Puntland

Magaalada Garowe waxay kamid tahay magaalooyinka ugu dakhliga wanaagsan guud ahaan Puntland, waana magaalada labaad hadaysanba ahayn tan kowaad, bil walba Dawlada hoose ee Garowe waxaa u xarooda boqolaal kun oo dollar oo ah canshuur ay ka qaado dadweynaha magaaladan degan.

Sidoo kale Garowe waxay kaga duwan tahay magaalooyinka kale waxaa canshuurta guud ee Dawlada Puntland uga xarooda curaarta 1% oo ah dakhliga guud ee Dawlada dhexe dhamaan gobalada Puntland, taas oo bil walba dhan ugu yaraan sideetan kun oo doolar, lama oga halka ay aado lacagtaasi maadama magaaladu ka aradan tahay wax yaabihii ugu muhiimsanaa ee ay ahayd inay Dawlada hoose ku qabato dhaqaalahan xoogan,  waxaana dakhliga uga xarooda gobalada Puntland lagu magacaabaa(Horumarinta caasimada Puntland)

Dabkii khasaaraha dhaliyey oo banaanka soo dhigay fadeexada dul-hoganaysa maamulka degmada Garowe

Sida aan lawada socono magaalada Garowe waxaa laba maalmood kahor ka dhacay dab khasaare nafeed iyo mid maalba geystay, kaas oo ay ku dhinteen inta la hubo 6 qof uuna dhaawac culus kasoo gaaray ugu yaraan 7 qof oo kale, markii dabku kacay waxaa magaalada laga waayey dab-damis bakhtiiya dabkan khasaaraha geystay, waana tan sababtay inuu dabkani geysto khasaare baaxadleh.

Shirkadda gaarka loo leeyahay ee iibisa biyaha sifaysan ee Al-naciim ayaa ku guulaysata iyadoo kaashanaysa dadweyne soo gurmaday inay dabkan bakhtiiso, sidoo kale waxaa jirey shaqsiyaad naftooda ku biimeeyey  dabkan oo ka hortagey khasaare tan ka baaxad weyn oo uu dabkani geysan karay maadama ay meesha taagnayd booyad weyn oo shidaal sidey, waxaa xusid mudan in shaqsiyaadkan qaarkood ay u geeriyoodeen dhawaacii soo gaaray.

Mar arimahan dabka wax laga weydiiyey duqa caasimada Xassan Maxamed Ciise(Goodir) wuxuu qiray inaysan magaaladu lahayn wax dab-damisa, sidoo kale uusan ka jirin magaalada adeeg caafimaad oo kaafin kara dadkii dhaawacyada culus ay soo gaareen sidaa darteedna wuxuu sheegay duqu in dadkaas diyaarad khaasa ay u qaaday magaalada Muqdisho.

Isbitaalka guud ee Garowe

Nasiib daradii ugu weynayd ayaa dhacday markii mashaqada dabku dhacday in Isbitaalkii guud ee caasimada oo kamida xarumaha caafimaad ee ugu waaweyn Soomaaliya uu awoodii waayey inuu qaabilo dadkii ay wax yeeladu kasoo gaartay dabkan daryeel xumo qudhiisa haysata awgeed, Isbitaalkan kama jiraan adeegyadii muhiimka ahaa ee ay ahayd inuu qabto, wuxuuna mararka qaar u shaqeeyaa sida xarumaha gaarka loo leeyahay.

Isbitaalka guud ee caasimada iyo guud ahaan magaaladu malahan gawaarida gurmadka deg-dega ee looyaqaan Ambalaas kuwaas oo si deg-dega ugu gurman kara marka ay xaalado noocanihi dhacaan, inkastoo dhawr jeer hay’ado caalamiya ugu deeqeen Puntland baabuurtan looguma shaqeeyo sidii ay ahayd, qaarkoodna waxay noqdeen baabuur shaqsiyaadkii darawalada ka ahaa ku xamaashaan.

Waxaa nasiib daro ah in dhibanayaashii dabka ku dhaawacmay loo qaado Muqdisho oo Garowe u jirta ku dhawaad kun kiilo-mitir markii loo waayey daryeel caafimaad oo ku filan ayna qaarkood diyaarada dusheeda ku dhintaan.

Gaba-gabadii:- Waxaa is weydiin mudan tolow maxaa lagu qabtaa dakhliga xoogan ee magaaladan soo gala hadiiba hooyadii hilibka iyo khudaarta gadaysay ee laga soo qaaday aysanba haysan Cafimaad, biyo macaan ama aysanba jirin dab-damis ay gurmad ka helayso hadii gurigeeda uu dab qabsado? waxaa xusid mudan inaan dhaqaalahan xoogan lagu dhisin wadooyin, iskuulo iyo xarumo kale toona ayna wadooyinka magaalada laga dhisay sanadihii u danbeeyey ay dhamaantood ku deeqeen hay’adaha caalamiga ee ku midaysan mashruuca loo yaqaan JPLG marka laga reebo 10% ay bixiso Dawlada dhexe ee Puntland.

PUNTLAND POST